“Mooshinka Ansixinta Gobollada Dadka Diiday inay u Codeeyaan Kulmiye ayey u badnaayeen..” Xildhibaan Xasan Cawaale
Hargaysa 21. November 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay inay Golahaas keeneen Mooshin ay ku dalbanayeen in Xukuumaddu Wakiillada u soo gudbiso Gobollada buuxiyey Shuruudaha gobolnimo ee uu magacaabay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin.
“Waxaannu keennay Golaha Mooshin lagu ansixinayey gobolladii Daahir Rayaale (Madaxweynihii hore ee Somaliland) magacaabay. Mooshinkaas waxaannu u keennay in Madaxweynuhu soo gudbiyo si loo ansixiyo. Markaas Dad badan baa diiday, kuwaasina waxay u badnaayeen Kulmiye dadka diiday inay u codeeyaan, markaa, waxaannu leenahay Kulmiyoow soo hagaag.”
Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Golohooda ee magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagana Mooshinkaas iyo waxay ujeeddadiisu tahay wax laga weydiiyey, waxa uu yidhi; “Maaddaama oo gobollo la magacaabay oo ay muddo dheer magacawnaayeen in la ansixiyo oo ay Xukuumaddu soo gudbiso gobolladaas kuwii shuruudaha buuxiyey, sida Dastuurka Somaliland iyo Xeerka gobollada iyo degmooyinku-ba dhigayaan inay Xukuumaddu golaha Wakiillada u soo gudbiso, waayo Goluhu ma ansixin karo haddii aanay Xukuumaddu u soo gudbin.”
“Xukuumaddu iyadaa magacawday, iyadaa u xil-saaran gobolladaas Xuduudohooda iyo mid waliba Xuduudka uu ku yeelanayo gobolkii laga dhex-magacaabay. Sidaa awgeed, in hawlahaas oo dhammaystiran Xukuumaddu soo gudbiso, ayaannu uga jeednaa Mooshinkan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale.