Diblumaasi Caalami Ah Oo U Digo-roganaya Siyaasi Somaliland Ah+ Hadal-haynta Xisbiga Uu Ku Biirayo
Hargaysa 18. November 2016 (SDN/QJ):- Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo kamid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ee rubuc qarnigii u dembeeyey mansabyada sare kaga jiray hay’adaha samafalka caalamiga ah iyo kuwa jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa la weriyey in uu dhawaan ka fadhiisan doono shaqooyinkii uu caalamka ka hayay isagoo si toos ah ugu soo biiri doono saaxadda siyaasadda ee somaliland.
Aqoonyahan Maxamed Cali Bile oo dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay ka hawl galayay hay’addaha samafalka caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta arrimaha bulshada isla markaana kaalmo door ah ka qaatay dib u dhiska dalkan Somaliland gaar ahaanna arrimaha waxbarashada iyo tayaynteeda ayaa la sheegay in uu dhawaan dalka ku soo fool leeyahay isaga oo ka soo googoostay hay’adihii uu ka shaqayn jiray oo uu mansabyo sare kaga jiray.
Imaanshiyaha Maxamed Cali Bile ayaa ilo wareedyo kala duwan oo wargeyska Hubaal oo Warkan aanu ka soo Xiganay ka helay xogtiisa waxaa ay tibaaxeen in qorshahiisu yahay in uu kusoo biiro masraxa siyaasadda ee somaliland. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in toddobaadyada soo socda oo uu kusoo fool leeyahay dalka kadib uu u kuur galayo dhaqdhaqaaqyada siyaasaddeed ee axsaabta siyaasadda ku loollamaya kuwaas oo indho indhayn iyo qiimayn ka dib uu aakhirka ku biiri doono mid ahaan axsaabta WADDANI, KULMIYE iyo UCID.
Wararka qaar ayaa sheegaya in uu xisbiga Waddani la furtey wada hadal ay ku qancinayaan inu xisbiga ku soo biiro oo uu hawl wadeen ka noqdo. Taasi haddey dhacdo waxa ay xisbiga waddani heleyaan taageero aad u ballaadhan oo xagga dhalinyarada ah.
Waxa uyana taasi barbar socota wararka sheegaya in Aqoonyahanku ku biiri doono Xisbiga Kulmiye maadaama uu ahaa nin aa Musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi aad isku dhawyihiin oo ay soo wada shaqeeyeen tan iyo 1991. Tey doonto ha noqotee, xisbiga uu ku biiro aqoonyahanku waxa uu heleyaa taageerada dhalinyaro badan oo weli heehaabeysa oo aan xisbi si buuxda u taageersaneyn.
Wixii war ah ee arintaa ka soo korsha waanu idin la socodaiin doonaa.