|

‘’Wasiirrada xiiqsanina waa kuwa reerahooda la isku hayso, laakiin reerkayagu meel buu iska yaallaa” Wasiir Buureed

Hargaysa 18. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md. Cali Jaamac Buureed, ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha beesha uu kasoo jeedo ee dhinaca munaasibadaha axsaabta siyaasadda loogu biiriyo oo aanay inta badan ka muuqanin, waxana uu caddeeyey sababta maqnaanshahaas keent Wasiir Buureed oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sababta reer koodu xafladaha uga maqan yahay ku sheegay inay dhammaantood yihiin taabacsan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE, “Aniga xafladahaygu ma badno sababtoo ah reerkayagu waa wada KULMIYE, Wasiirrada xiiqsanina waa kuwa reerahooda la isku hayso, laakiin reerkayagu meel buu iska yaallaa” ayuu yidhi wasiir Buureed.

 

cali-jaamac-buureedDhinaca kale waxa uu wasiirku shaaciyey inay abaaraha xilligan gobollada bariga dalka ka taagani keeni karaan dib udhac ku yimaadda doorashada madaxtooyada, maadaama dadkii is diiwaangeliyey u hayaan gobollo ka fog goobihii ay waraaqaha ka qaateen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxyaabaha doorashooyinka Is hortaagi kara ayey abaartu ka mid tahay, imikana dadkii meel aad ugu hagaagtoba ma jirto oo ama way hayaameen oo gobolkii laga diiwaangeliyeyba way ka tageen ama qof isagii in naftiisii dib loosoo celiyo u baahan codayni way ku adag tahay, laakiin bal xilligaas halla gaadho.”ayuu yidhi

Comments are closed