|

Xukuumadda, KULMIYE Iyo UCID Oo Sheegay In Culayska Abaarta Gobollada Barigu Dib-U-Dhac Ku Keeni Karto Doorashada Madaxtooyada & Mowqifka WADDANI

Hargaysa 18. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland iyo Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Saamaynta Abaarta ka jirta Gobollada bariga Dalku ku yeelan karto in Doorashada Madaxtooyada lagu qabto Xilligii loo qorsheeyay oo ahaa bisha Saddexaad ee Sannadka 2017-ka.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Xisbigeeda KULMIYE, ayaa si isku mid ah u sheegay in aan Doorashadu la qaban karin Xilligii loo qoondeeyay, maaddaama oo Imikana Abaar culusi ka jirto Gobollada bariga Somaliland isla-markaana ay muddo Bil ah ka dib la gelayo Saddex bilood oo Jiilaal ah, taasina xaaladda sii adkaynayso haddaan Alle Faraj kale keenin. Laakiin Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa sheegay in inkastoo Xaalad adag lagu jiro doorashada xilligeeda lagu qaban karo, halka uu Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID-na ka garaabay Sababaha Xukuumadda iyo Xisbigeeda KULMIYE u daliishanayaan inay keeni karaan Dib-u-dhac doorasho.

Xukuumadda

La Taliyaha Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha Somaliland, Cabdillaahi Xaaji Cumar (Jawaan),  ayaa sheegay in aanay suurto-gal ahayn in Doorashada Madaxtooyada lagu qabto Xilligii loogu talo-galay.

Cabdillaahi-Jawaan oo u warramay Bulsho Tv, wuxuu sheegay in Xilliga Dayrta ee Raxmaadka ILAAHAY la filayey ay ka hadhsan tahay Muddo dhowr iyo Soddon Maalmood ah, markaasi ka dibna la gelayo Saddex Bilood oo Jiilaal ah, taasi oo haddaan ILAAHAY Faraj kale keenin noqonaysa in Dalku waajaho Shan bilood oo Abaar ah, maaddaama oo Xilliganba ay Dadka Gobollada barigu la dhibaateysan yihiin Abaar isla-markaana ay iyaga iyo Xoolahoodiiba ay u hayaamayaan hadba meeshii Biyo iyo Baad ka helayaan, “Dayrtii waxa ka hadhay 34 Maalmood, wixii ka dambeeya waa Jiilaal, Roobabka Muddadaa 34-ka Maalmood ah da’aa waxay ka da’aan Deegaanka Doollo, Doollana waa War-dheer iyo wixii ka shisheeye (Gudaha Kilalka Shannaad ee Itoobiya), Jiilaalkii oo Saddex bilood ah iyo Laba Bilood oo abaar ahaa (Ta lagu jiro), waxay noqonaysaa Shan bilood oo Abaar ah, markaa ILAAHAY haddaanu innaga jabin taasaa foodda innagu soo haya, markaa way adag tahay in Doorasho dhacdo, Waayo? Dadkii codeynayey goobihii loogu talo-galay ma joogaan oo way ka haajireen, markaa haddaan ILAAHAY Faraj kale inoo bixin way adkaanaysaa Doorasho inay qabsoonto.”ayuu yidhi La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinku.

KULMIYE

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) oo isaguna ka hadlay Saamaynta Abaartu ku yeelanayso Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada ayaa yidhi, “Haddaan ILAAHAY Abaartaa innaga soo jebin lagama sheekayn karo Doorasho iyo codeyn, Waayo? Dadku waxay u baahan yihiin in loo gurmado, Xoolihii Waddankana kala-badh baa u dhintay Abaarta oo meesha ka baxay, Gurmadka imika la dirayaana waa Gurmad ah in Dadka uun la badbaadiyo.”

Jaamac-shabeel oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay “Dadkii kuu codeyn lahaa way dhimanayaan ee horta badbaadi.” Ayuu yidhi.

UCID

Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID oo dhankoodana uu Wargeyska HIMILO Xalay khadka Telefoonka kula xidhiidhay si aanu wax uga waydiinno siday u arkaan Duruufaha Abaartu ka midka tahay ee Doorashada Madaxtooyada dib-u-dhac ku keeni kara, ayaa Aragtiyo kala fog ka bixiyey.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabbaash) oo Wargeyska Himilo waydiiyey inay u muuqato in Xaaladda Adage ee Abaartu keeni karto in Doorashada Madaxtooyadu dib uga dhacdo xilligeedii, ayaa ku jawaabay, “Abaartaa iyo Dhaqaalaha Qaadhaan-bixiyeyaashu Hakadka galiyeen labaduba way keeni karaan Hakad (ku yimaadda Doorashada), laakiin Cidda War-bixinta laga rabaa waa Komiishanka.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhiidha inay u muuqata Duruurafaha masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE soo bandhigeen ee doorashada saamaynaya, “Meel Dadkii iyo Xoolihii bakhtiyayaan la geli maayo Dabbaal-deg ee waa in Dadka loo gurmado oo lala baxsado.”

Afhayeenka UCID wuxuu sheegay inay adag tahay in Xilli Dadka iyo Xoolihii dhimanayaan hawl kale la gelo, “Dadkii loo tartamayey iyo xoolahoodii hadday is-raacayaan oo ay dhibaato haysato wax kale looma kici karo. Markaa meesha way ku jirtaa (Inaan doorashadu Xilligeeda ku qabsoomi karin), ILAAHAYNA ha inaga soo furto (Abaarta).” Ayuu yidhi.

WADDANI

Afhayeenka Xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo Wargeyska HIMILO isagana waydiiyey inay u muuqato in dhibaatada Abaartu ku hayso Shacabkeenna Gobollada barigu ay baajin karto in Doorashada Xilligeeda lagu qabto, ayaa ku jawaabay, “Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in farsamo ahaan Doorashadu Xilligeeda ku dhamaystirmi karto, Komiishankuna way noo warrameen oo Lacagtaa yar ee ay Xukuumadda ka sugayaan mooyaane wax kale kama xidhna, Kaadhadhkii Diwaangelinta way dalbadeen, waxaana la rajeynayaa inay December illaa January gebogaboobaan oo ay u qaybiyaan Dadka, markaa sidaa Komiishanku sheegay waxaanu aamisan nahay in Doorashadu Dalka ka qabsoomi karto Xilligii lagu dhawaaqay.

Xagga Abaarta ayay Mushkiladi ka jirtaa, iyadana ILAAHAY baynu ka baryeynaa inuu innaga soo jebiyo oo uu Raxmaadkiisa inoo shubo December illaa January oo Abaartu aanay inala gaadhin Xilliga Gu’ga, laakiin Haddiiba Abaartu keento Dib-u-dhac Doorasho Cidda ku eedaysane waa Xukuumadda, Waayo? Waxay ahayd inay ka tabaabulshaysato oo ay ka diyaar-garowdo, markaa Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in aanay jirin Sabab allaale iyo Sabab Doorashadu dib ugu dhici kartaa, haddiise Marmarsiiyo looga dhigo Abaarahana eeddeeda Xukuumaddaa leh.”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo la waydiiyey siduu u arko hadalka La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE ku sheegeen in Abaartu Doorashada dib-u-dhac ku keeni karto, ayaa ku jawaabay, “Waa Marmarsiiyaha aan kuu sheegay, laakiin sideedaba Dadka is-diwaangeliyaa boqolkiiba boqol ma codeeyaan iyadoon Abaarba lagu jirin, inta Doorashadu socoto ee Codka la dhiibanayaana waa 12 Saacadood, markaa Anigu waxaan leeyahay inta Magaalooyinka fadhidaaba way kala saari kartaa Musharraxiinta u taagan Kursiga Madaxweynenimada ee tartanka loo gelayo. Markaa hadallada Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Xisbiga (KULMIYE) waxaanu u aragnaa Marmarsiiyo muujinaya in aanay diyaar u ahayn in Doorashadu Xilligeeda ku qabsoonto.”

Afhayeenka WADDANI oo la waydiiyey siday Doorashada ku suurto-geli karto haddii Abaartu sidan sii ahaato ama sii adkaato, ayaa ku jawaabay, “Arrintu (Abaartu) hadday sidaa ahaato waa la qaban karaa (Doorashada), dadka Miyiga ee Abaartu ku fadhido waxa ka badan oo saddex jeer ku soo laabmaya Dadka Magaalooyinka fadhiya, markaa maaha qolada KULMIYE inay innagu Habaaraan in Abaartu sii jirto si doorashadu dib ugu dhacdo, waa inay Salaadaha ka qayb-galaan oo ay Dadku u duceeyaan, kagana dhabeeyaan in Doorashadu Xilligeeda ku qabsoomayso.” Ayuu yidhi, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.

Geesta kale, Masuuliyiinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Wargeyska Himilo Xalay xidhiidh la sameeyay si aanu wax uga waydiinno in Abaartu saamayn karto Doorashada Madaxtooyada, ayaanay noo suurto-gelin inaanu helo.

Comments are closed