Donald Trump Shakhsi Gawaadhida Jecel,Indho Adag,Naanayso Badan,Qal-Qaali ah,Is Tus Isla Weyn,Miidaamo ah,Macalimiintiisa Feedha,Laakiin Hogaaminta Ku Wanaagsan
Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Qormadan oo uu Wargayska Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin, xogo, dabeecado iyo hab-dhaqan la xidhiidha taariikhda nololeed ee madaxweyaha loo doortay Maraykanka Donald G. Tump oo laga yaabo in aanay dad badani ogeyn:
- Aabbo guulaystay iyo hooyo odaygeeda jecel:
Fred Trump oo ah Donald Trump aabihii waxa uu ku dhashay magaalada New York ee dalka Maraykanka, waxa aanu noqday mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan dhinaca qandaraasyada guryaha. Laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah in Trump oo ol’olihiisii meel adag ka taagnaa dadka soo galeetiga ah, ay hooyadii ahayd soo galeeti asal ahaan ka soo jeedda gobalka Scotland ee dalka Ingiriiska. Halka aabihiina uu isir ahaan ka soo jeeday qoys dhalashadoodu Jarmal tahay oo dalka Maraykanka u soo haajiray.
Trump hooyadii waxaa lagu tilmaamay haweenay kaalin weyn ka qaadatay farxad gelinta Trump aabihii, maadaama oo ay ahayd gabadh raalliya ah, si weynna ay jacayl iyo dhiirrigelin ula garab istaagtay.
- Nolol deeqsinimo:
Fred Trump oo ah madaxweyne Trump aabihii waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa nin buuxiyey hal-beegga aadamuhu guusha ku qiimeeyo. Nolol badhaadhe, ladnaan iyo deeqsinimo ka badatay ayaa uu ubadkiisa ku soo koriyey, waxa uu ku daray dugsiyada gaarka loo leeyahay ee qaaliga ah, waxa aanu u iibiyey baabuurta nooca ugu qaalisan ee raaxada iyo guri ka kooban 23 qol, oo si xorriyad iyo cidhiidhi la’aan ah ay ugu noolaadaan Trump iyo afarta carruur ah ee la dhashay oo ahaa Laba wiil oo kale iyo laba hablood.
- Donald Trump iyo walaalihii:
Donald Trump waxa uu ahaa ilmaha afaraad ee qoyska; walaalkiisa ka weyn oo ahaa Fred Jr. waxa uu ahaa kabtan diyaaradeed, oo si aan xad lahayn u cabba khamriga iyo maandooriyeyaasha kale, isaga oo weli da’ yar ayaa aanu dhintay, Donald Trump oo sakhradda walaalkii ka sheekaynayaana waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee aanu weligii khamri, maandooriye kale iyo xitaa sigaar u cabbin in ay ahayd dhimashadaa walaalkii uu balwadahan u dhintay.
Hablaha uu la dhashay Trump midda weyn oo lagu magacaabo Maryanne waa sharciyaqaanad, garsooore ka noqotay maxkamadda racfaan ee dalka Maraykanka, halka inanta kale oo magaceedu yahay Elizabeth ay tahay aqoonyahanad maareeye iyo xoghaye fulineed ka noqotay haayado iyo shirkado kala duwan. Robert oo ah Trump walaalkiisa yar oo qoyska guri dambays u ahi isaguna sida Trump oo kale ayaa uu dhinaca ganacsiga u baydhay.
- Guri carruurnimo oo aanay maskaxdu sawiran karin
Donald Trump sannadkii bishii Juun 1946kii ayaa uu ku dhashay guri ka mid ah dhismayaasha caanka ah ee Jamaica ee xaafadda qaalia ah ee Queens oo ka tirsan magaalada New York ee dalka Maraykan.
Gurigoodu waxa uu ka mid ahaa guryaha ugu waaweyn ee sida quruxda badanna u dhisan ee xaafaddan, illaa maantana waa uu dhisan yahay oo la isticmaalaa, waana isla xaafadda uu Trump ka bilaabay waxbarashadiisii hoose.
- Gawaadhi jacayl:
Qoyska reer Trump waxa ay caan ku ahaayeen haysashada baabuurta loo yaqaanno Cadillac oo xilligaas dadka labadan oo keliyi goyn jiree, waxa aana lagu tilmaamaa in ay ahaayeen qoyska ugu ladan ee xaafadda oo dhami ku sheekaysato quruxda gurigooda iyo baabuurta quruxda badan ee Cadillac ee ay haystaan, oo weliba ahaa baabuur si ula kac ah xitaa lambarro u gaar ah dawladda looga dalbaday, kuwaas oo kala ahaa FCT1 iyo FCT2.
- Naanayso badnaan:
Trump markii uu yaraa saaxiibbadii naanayso badan ayaa ay ku magacaabi jireen, waxaa ka mid ahaa, Donny, Trumpet, oo dabcan looga jeedo uun magaciisa Trump ayaa sidoo kalana afka Ingiriisiga ku leh macne ah Turunbo oo ka mid ah qalabka la afuufo ee muusikada.
Sidoo kale waaa lagu magacaabi jiray Flat-top oo ah shay dusha / oogada sare ka siman, waxa aanay uga duur-xulayeen timihiisa u eeg kuwo samays ah oo dusha laga saaray, ee dabayshu hadba dhan u kala kaxaysay.
Sidoo kale saaxiibbadii waxa ay ay ku tilmaami jireen ruux kalgacal badan, laakiin qab iyo kibir badan.
Trump waxa ay saaxiibbadii ku tilmaami jireen rabshaani, in kasta oo ay aaminsanaayeen in qal-qaalinimadiisu ay ahayd mid samays iyo iska yeel yeel ku timaadda.
- Muran badnaan iyo indho adayg.
Trump markii uu dugsiga hoose dhiganayey, waxa ay macallimiintiisa iyo saaxiibbadiiba ka dareemeen karti badni iyo awood dheeraad ah oo uu u leeyahay ciyaaraha kala duwan, iyo weliba khiyaamooyinka guusha ciyaaraha lagu keeno.
Laakiin haddana ceebtiisu waxa ay ahaan jirtay in uu afkaartiisa ku dheggenaa jiray oo muran uu ku difaaci jiray, iyo in uu ahaa nin dhaqso u cadhooda haddii fikirkiisa la diido, ceebta ka sii daran ee uu lahaa waxa ay ahayd in aanu qaladkiisa qaadan.
Trump waxa kale oo lagu yaqaannay in aanu hadalka la gabban, wax kasta oo maskaxdiisa ku jirana si aan waabasho lahayn isaga odhan jiray.
- Miidaamo
Trump saaxiibbadiisii illaa yaraantii waxa ay ku yaqaanneen is miidaamin badnaan, iyo in shayga khatarta ah uu tijaabiyo isagu, tusaale ahaan baaskiilka in uu mariyo meelaha khatarta ah ee carruurta kale ka baqdo, iyo in uu xawaare aad u sarreeya ku kaxeeyo iyaga oo cabsi awgeed ku qaylinaya.
Maalin maalmaha ka mid ah waxa ay dadka deriskiisu arkeen isaga oo inta uu koox asxaabtiisa ah kaxaystay oo ay baaskiilado meel durugsan la tageen, kadibna uu ku dhiirrigelinayo in ay garaacaan wiil yar oo kale.
Ruux ay deris ahaayeen oo si kedis ah ugu soo baxay maalintaas ayaa ku markhaati furay in uu Trump inta uu baaskiilkiisa oo ordaya ka soo booday uu si bilaa naxariis ah u garaacay wiilkaas, saaxiibbadiina ku dhiirri-geliyey in ay la garaacaan.
- Istusnimo, Isla-qumanaan, hoggaamin:
Trump xilligii uu korayey dabeecadaha yaabka leh ee qoyskiisa, asxaabtiisa iyo macallimiintiisu dhammaan ku arkeen waxaa ka mid ahaa, hab-dhaqan qallafsan oo jecel in laga wada baqo, oo dadka oo dhan uu cabsi geliyo, nin isagu mar kasta isla qumman, nin jecel in uu isagu muuqdo, oo hoggaamiye iyo ka ugu fiican faciisa uu u muuqdo, waxa uu farxad kala wareegi jiray marka uu is arko isaga oo dhaafay ama dadku u arkaan in uu ka sarreeyo dad shalay xaqiri jirary, ama uu ka hooseeyey, weliba waxa uu ahaa dadka jecel in sarrayntiisa uu dareensiiyo qofka ka hooseeya.
Waxa se uu lahaa ruux hoggaamineed oo inta bada dadku ku soo ururaan, ogolaadaanna in uu hirgalo.
- La dhaqanka macallimiintiisa:
Trump waxa la sheegay in ardaynimadiisii, uu ahaa ruux madax adag, oo si kakan oo macallimiintiisa ula dhaqma. Marna waxaa dhacdayba in macallin xiisad muusikada barayey in uu isha hoosteeda feedh kaga dhuftay, taas oo macallinkii ku keentay barar iyo madow maalmo door ah ka sii muuqday. In uu macallinkiisa feedhay waxaa ka sii yaab badnaa hadalka uu ku sababeeyey feedhkan, markii la weydiiyey sababta uu macallinka u feedhay, waxa uu ku andacooday, in macallinku uu ahaa mid aan waxba ka fahansanayn muusikada uu doonayo in uu ardayda baro.
Xilliyadii dambe waxa uu gaadhay in marka uu fasalka dhex fadhiyo ay ardaydu aad uga durugto halka uu fadhiyo, iyaga oo ka fogaanaya rabshaddiisa iyo dhaqan xumada uu macallimiintiisa kula kaco.
- Gacan ka hadal iyo Rabshad badni:
Trump oo saaxiibbadii ka wada dheeraa, inta badanna ka xoog badnaa qaab-dhismeedka jidhka marka la eego, waxa uu ahaa wiil kalsooni xad dhaaf ah naftiisa ku qaba. Isla markaana jecel in uu xoog u adeegsado ku shaqaysashada saaxiibbadii.
Waxa uu yaraantiisii ahaa nin tartanka iyo loollanka marka uu ku jiro aan waxba la hadhin, xariif ku ahaa ciyaaaraha, guul-darradana aan aqbalin ee cadho iyo aargoosi ku qaabila, haddii arrimuhu sida uu rabo u dhici waayaan.
Waxaa jirtay mar uu 12 sano jir ahaa oo isaga iyo dhowr saaxiibbadii ka mid ahi ay tegeen suuqa weyn ee Manhattan oo xaafaddooda aad uga durugsanaa iyaga oo aan wax fasax ah ka sii qaadan qoyskooda, kadibna waxa ay soo iibsadeen mindiyo, iyo qalab yaryar oo dagaalka gacan ka hadalka ah loo isticmaalo, waxa aanu qorshahoodu ahaa in ay dagaal ku qaadaan koox caruur xaafaddoodaah oo uu dagaal wadareed marka hore dhex maray.
- Cadho aanu is xakamayn karin:
Waxa uu ahaa dadka marka ay cadhoodaan xakamaha naftu ka lumo, mararka qaarkood sida ay iskaga joogaan xusuus hore awgeed u cadhooda, sida uu u joogo ayaa uu muran iyo cadho kula dhici jiray asxaabtiisa ay wada ciyaarayaan.
In kasta oo uu aad u xiisayn jiray kubadda baseball loo yaqaano, haddaa waxaa lagu yaqaanay xanaaqad badnaan iyo in uu mararka qaarkood inta uu is madax maro, qori kubadda lagu dhufanayo gidaarka la dhaco si uu u burburiyo.
- Bilowgii geediga mustaqbalka:
Dhibaato joogto ah, qalqaalinimo iyo macallimiintii oo ay heshiin waayeen kadib, gaar ahaan markii uu mindiyaha dagaalka u soo iibsaday, waxa uu Donald Trump aabihii qaatay go’aan adag oo ah in wiilkiisa oo imika u taliyo inta aanu mustaqbalkiisu burburin.
Donald Trump oo 13 jir ahaa ayaa uu qasab ku geeyey akademiyad milateri oo ku taalla magaalada New York.
Dersiga ugu muhiimsan ee uu Trump ka bartay dugsiga Milaterigu waxa ay ahayd in aanu sidii rayidka ahaa ugu kibri karin macallimiinta.
Waxa uu arkay in dugsiga Milateriga macallimiintiisu ay xoog iyo ciqaab daran isticmaalaan, ciqaabtaasna la marin doono haddii anshax xumo lagu arko, ama inyar uu ka weecdo jidka loo jeexo.
Sida lagu yaqaanno dugsiyada tababarrada milateriga, Trump waxa la tusay in ciqaab iyo garaacisba uu filan karo haddii uu ka baydho nidaamka la jeexay, waxa kale oo uu bartay nidaamka iyo in nolosha aadamuu khad go’an ku socoto, sida saacado go’an oo waxbarasho, saacado go’an oo cunto, saacado go’an oo hurdo ama nasasho, in meel ay cunto ku wada cunaan tobanaan ruux oo kala nolol iyo qoys ah.
Waxaa la aamisan yahay in dugsigan milaterigu uu ahaa sababta ugu weyn ee dib u samaysay Trump kana saartay noloshii khayaaliga iyo xiisaha keliya ku dhisnayd.
Trump waxa uu dugsiga milateriga ka soo qalin jebiyey isaga oo xiddigle ah, oo leh nidaam iyo anshax qurux badan oo uu noloshiisa ku qaabilo.
- Waano dhalan baa ka adag:
In kasta oo sida aynu soo sheegnay waxbarashadii kuliyadda milaterigu ay wax weyn ka beddeshay dabeecadihii Trump iyo xitaa hab nololeedkiisii marka hore khayaaliga ahaa, haddana waxaa run ah in dabeecadda iyo hab-dhaqanka shakhsiga ah ee qofku aanay dhayal isku beddelin, waa malaha sababta ay Soomaalidu u tidhaahdo, “Waano dhalaln baa ka adag” Trump waxa uu weli sii waday dabeecadihii kakanaa, iyo gacan ka hadalkii. Xilligiisii jaamacadda fasalka aad ayaa uu ugu dhex dagaalami jiray, tusaale ahaan arday ayaa uu mar mafiiq si xun ula dhacay oo laga qaban kari waayey, mar kalana wiil ay murmeen ayaa uu ku sigtay in uu ka soo tuuro daaqadda fasalkiisa, oo dabaqa sare ahaa, haddii aanay maalintaas ardayda kale ee fasalku ku gutan lahaynna, ceeb iyo dhagar ayaa dhici lahayd.
- Xeeladdii uu kaga baxsaday shaqada qaranka:
Markii uu socday dagaalkii Vietnam oo ay iskaga hor yimaaddeen Vietnam-ta woqooyi ee Shuuciga ahayd iyo Vietnam-ta Koofureed oo Maraykanka la xulafo ahayd, ayaa sannadkii 1968kii, Donald Trump loo sheegay in uu buuxiyey shuruudihii kaga mid noqon kari lahaa adeegga ciidan ee muwaadin kasta laga rabo, laakiin Trump markiiba waxa uu abuuray cudur daar, uu golaha deegaanka ee ka qaybgalka dagaalka ugu sheegayo in uu dhaawac ka qabo cidhibta oo socodku ku adag yahay.
Arrintaas ayaana sabab u noqotay in laga dhaafo shaqada qaranka ee sharci ahaan ahayd waajib muwaadin kasta saaran.
- Qaan-gaadhkii iyo ka mid noqoshadii dunida dadka waaweyn:
Qal-qaalinimada iyo dabeecadaha kakan ee Donald Trump kuma ay ekaan carruurnimadii iyo da’dii qaangaadhka ka horreysay, laakiin illaa hadda oo uu Toddobaatan jir yahay, waxa uu qirtaa isla dabeecadnimadii carruurnimadiisa leeyahay, isla qofkiina yahay, waana la eegi doonaa in dabeecadahaasi ay is beddelaan muddada uu xilka madaxweyne ee dalka Maraykanka hayo.