Wadahadal Foolka Fool Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen Iyo Saadasha Xisbiga Uu Ku Aarsan Karo
Hargaysa 17. November 2016 (SDN/QJ):- Garabkii Xisbiga UCID ee uu hoggaaminayay Jamaal Cali Xuseen ayaa la filayaa inay ku biiran Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, in kasta oo ay wadahal la fureen labada Xisbi hadana waxay wararka ku dhaw dhaw garabka Jamaal sheegayaan in Xisbiga WADDANI yahay midka ay cududooda ku biirin doonaan
Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Jamaal Cali Xuseen ayay wararka qaar sheegayaan inuu kulan Foolka Fool ahi dhexmaray , in kasta oo aan la shaacin waxa kulan kaas ka soo baxay.
Geesta kale dadka Siyaasadda ka foolada ayaa siweyn u faqidaaya in aanay suurtogal ahayn inuu Jamaal Cali Xuseen ku biiro Xisbiga KULMIYE, maadama godkii laga soo qaniinay murashax nimadiisi Xisbiga UCID ahayd dhinaca Xisbiga KULMIYE, halka Faysal Cali Waraabe oo si weyn u khiyaameeyey uu kaga sii horeeyo dhinaca Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE oo laga soo taageerayay.
Ilaa iyo hada Garabka Jamaal kamay Hadal halka uu Marayo Wada Hadalka ay la fureen Labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani.