|

Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo Yeedhay Safiirka Turkiga u Qaabilsan Soomaaliya,Kuna dhawaaqday inay Dib u eegayso Dhex Dhexaadintii Turkiga ee S.land iyo Somalia DHAGAYSO

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay ka fiirsanayso doorka dawladda Turkigu ay ku leedahay wada-hadallada u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia.

PHOTO: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar

             PHOTO: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar uu sheegay in muhiimadda dowladda Turkiga ay tahay wada-jirka iyo midnimada Soomaaliya.

Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland, ahna ku-simaha wasiirka Axmed Aadan Ismaaciil oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Kaariye, ayaa hadalka safiirka ku tilmaamay mid khalkhal lagu gelinayo Somaliland.

 

Dawladda Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay ku howlaneyd wada hadalsiinta dawladdaha Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo shirar dhowr ah oo ka dhacay magaalada Istanbul aanay wax natiijo ah ka soo bixin.

Shacabka Somaliland waxaa ay saluug ka muujiyaan dhex-dhexaadnimada Dawlada Turkiga ee Wada hadalada Soomaaliya, Waxaana marar badan haayada ka baxsan xukuumadda iyo siyaasiyiintu soo jeediyeen in laga baxo wada hadaladaasi maaddaama aanu Turkigu dhex ka ahayn Wada hadalada Labada dhinac.

Comments are closed