|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo & Wefti uu Hogaaminayo oo La Filayo inay Saaka Kormeer ugu Baxaan Gobolada Bari ee Dalka oo Xaalad abaareed Ka Taagan Tahay

Hargaysa 16. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Warar lagu Kalsoon yahay oo Shabakada Qurbejoog ka heshay Ilo ku dhow dhow qasriga Madaxtooyaddu waxay Sheegeen in Saaka Madaxweynaha iyo Wefti uu hor kacayaa u baqooli doonaan Gobolada bari ee dalka oo Xaalad abaareed ka taagan tahay.

siilaanyo-150x150Warku Waxa uu sheegayaa in Madaxweynuhu Deegaanada abaartu ka Jirto gayn doono Raashin,Biyo iyo Calafka Xooluhu quutaan.

Geesta Kale Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani ayaa Taakulo kala duwan dhawrkii Caano Maal ee u danbeeyay Gaadhsiiyey Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Togdheer,iyo Buuhoodle oo Xaalada abaartu marayso heerkii ugu xumaa.

Comments are closed