|

Madaxweynaha Oo Kulan Sagootis ah La Yeeshay Xulalka Awdal Iyo Saaxil Oo Iyagu Sanadkan Noqday Horyaalada Koobabkii Gobolada Dalka DAAWO/SAWIRO

Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta kulan sagootis ah la yeeshay xulalkii ku guulaystay koobabkii Gobolada dalka loo dhigay sanadkan oo ka koobnaa saddex koob kuwaasoo ay ku guulaysteen xulka gobolka Awdal oo qaaday laba koob oo kala ah Koobka kubbadda Cagta iyo Koobka Orodada, halka xulka Gobolka Saaxilna uu noqday horyaalka koobka kolayga ama baaskidka, halka ay koobka kubbadda cagtana ka noqdeen kaalinta labaad.

Waxa hadalka furay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Somaliland, Mudane Cabdilaahi Faarax Maydhane waxaanu yidhi “Madaxweyne waa ciyaar yahanadii Awdal ee kubadda qaaday iyo kuwii orodada qaaday iyo kuwii baaskidka qaaday ee Saaxil oo kaaga mahadcelinaya martiqaadka sagootiska ah ee aad u samaysay xulalkaasi”

Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudane, Maxamuud Xaashi Cabdi oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sharaxay ujeedada kulanka madaxweynuhu la yeeshay dhalinyaradaasi waxa uu yidhi “ Mudane Madaxweyne maanta waxa halkan inoogu marti ah, ciyaartoyadii xulalka gobollada Awdal iyo Saaxil, ee ku guulaystay koobkii kubada cagta, koobkii kubada kolayga, iyo orodada. Waxa uu saaka halkan Madaxweynuhu idiinku marti qaaday in uu idiin hambalyeeyo idiina sii duceeyo, farxad weyn ayey noo tahay inaad maanta qasrigii Madaxtooyada qarankeena noogu timaadaan nuxurka ugu wayni waxa weeye in laydin xuso.”

Mudane Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay Qiimaha ay leedahay maamuuska uu madaxweynuhu u samaayey ciyaartoygaasi waxaanu yidhi “ Hogaamiyaha qaranku waa astaanta Umadda midaysa, Umadda halka looga talinayaa waa halka umadda magaceeda iyo maamuuskeedu uu yaalo, waa wax weyn in dadka la maamuuso, Qaran waliba uu dadkiisa maamuuso, waxana looga yeedhaa oo lagu maamuusaa qarankooda halka looga taliyo, waxana maamuus ugu sareeya marka hogaamiyaha Umaddaasi uu isagu maamuuso, arrintaas waxaan jecelahay inaan dhalinyarada hoosta uga xariiqo, waxa laga yaabaa in qaarkiin aanay micno wayn idiin samayn Karin, laakiin micno ayey xambaarsan yihiin kulamada noocan ahi.”

“ Waxaan hambalyeynayaa ciyaartoyadii xulalkii koobabka ku guulaystay. Tartankii ciyaaraha gobolada dalku waxa uu ahaa tartan aad u qiimo badan, maalintii la furayna waanu ka qayb galnay anagoo wafti badan oo madaxweynuhu na hogaaminayo ah, maalintii la xidhayna waanu tagnay, wuxuu ahaa tartan qiimo badan oo isbadal weyni ka muuqdo qaabkii tartamada loo qaban jiray.”

Wasiir Maxamuud ayaa geesta kalena shaaciyey in Xukuumadu ay waddo qorshaha qabashada tartanada kooxaha heerka koowaad waxaanu yidhi “ Mustaqbalka waxaanu Xukuumad ahaan seeska u dhigaysaa oo Wasaaradda ciyaaruhu ay wada in tartanadii heerka koowaad (Serie A)-da, la qabto oo aanay noqon kuwo baaqda, qaranka gobol walba laba kooxood laga sameeyo ka dibana kolba gobol lagu ciyaaro, aakhirkana ay noqoto sida loo kala dhibco badan yahay, sidaas ayey wasaaraddu wada, anaguna waanu ka caawinaynaa, waanan u mahad naqayaa masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa xidhiidhada oo diyaar garow fiican ayey sameeyeen” Wasiirku waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Qaranka Somaliland.

Madaxweynahana waxa hadaladiisa ka mid ahaa “farxad weyn ayey ii tahay in aynu maanta halkan ku kulano, ciyaaruhuna aad ayey ahmiyad weyn ugu leeyihiin qarankan, tartanka ciyaaruhuna ahmiyd weyn weyn ayuu u leeyahay dhalinyarada iyo dalka iyo guud ahaan ciyaaraha kala duwani, annaguna dawlad ahaan waanu dhiirigelinaynaa, tiimamkii ku guulaystayna aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa ka xukuumad ahaan, sidoo kale kuwii laga adkaadayna waan hambalyeynaynaa, qaranka ayey muhiimad gaara u leeyihiin ciyaaruhu waana is dhexgalka bulshada, waxaana naga go’an in aanu sii wadno dhiirigelintaas waanad mahadsan tihiin tiimamkiina guulaystayna waxan leeyahay mar kale hambalyo hambalyo”. Waxaana sidaasi ku soo xidhmay kulankii madaxweynuhu la yeeshay ciyaar yahanada gobolada Awdal iyo Saaxil oo ay wehelinayaan maamulka wasaarada ciyaaruhu.


2563 dsc_0000 dsc_0001 dsc_0002 dsc_0003 dsc_0004 dsc_0007 dsc_0008 dsc_0009 dsc_0010 dsc_0011 dsc_00013 dsc_0013 dsc_0014 dsc_0015 dsc_0017 dsc_0018 dsc_0019 dsc_0020 dsc_00025 dsc_0034 dsc_0036 dsc_0037 dsc_0039 dsc_0044 dsc_0045 dsc_0046 dsc_0048 dsc_0050 dsc_0051 dsc_0054 dsc_0058 dsc_0059 dsc_0061 dsc_0064 dsc_0066 dsc_0069 dsc_0071 dsc_0080 dsc_0082 dsc_0091 dsc_0093

????????????????????????????????????

dsc_0102 dsc_0109 dsc_0110 dsc_0111 dsc_0113 dsc_0116 dsc_0121

Comments are closed