|

“Cirro Burburkii ka dib Wuxu Ruushka ka Noqday Maggafe Wax Tahriibiya, Xirsina Waa Kulmiye..” Daawo Saado Axmed DAAWO

Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Saado Axmed Jaamac oo ah Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee waddanka Jarmalka, ayaa weerartay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Hoggaamiyaha Xisbigaas Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaanay Sheegtay in Cirro markii uu Ku-xigeenka Qunsuliyadda Soomaaliya ee Ruushka ahaa ee ay burburtay Dowladdii Soomaaliya inuu noqday Maggafe Dadka Tahriibiya.
cirro-iyo-xirsiSidoo kale, Saado sheegtay, in Xirsi Xali Xaaji Xasan uu Muuqiisu Waddani ka tirsan yahay, laakiin Naftiisu weli Kulmiye joogto, isla markaana uu isagu gacantiisa ugu codayn doono Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka Saado Axmed Jaamac, ayaa sidaa ku sheegtay Muuqaal ay qodobbadaas iyo kuwo kale oo kala duwan kaga hadashay oo sheegtay inay Xirsi isku Qoys yihiin, waxaanay meesha ka saartay Taariikh Xirsi sheegtay oo SNM-nimo la xidhiidha oo ay tirisay Raggii Qoyskooda kaga jiray Jabhaddii SNM.
Waxaannu hadalka Saado Axmed Jaamac oo qodobbo badan qaadaa dhigaysa aannu hadalkeeda idiinku soo gudbinaynaa isagoo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed