Golaha Wakiilada Somaliland Oo Baadhitaan Ku Samaynaya Kiiska Kaaliyayaal Xidhan Qadiyada Facebook Iyo Qareenadii Dhawaan La Sii Daayey
Hargaysa 15. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Guddida Dastuurka iyo Shuruucda ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa ka hadlay Looyaridii iyo Kaaliyayaashii dhawaan xabsiga la dhigay, waxaanu sheegay in Looyaradu ay leeyihiin xuquuq la mid ah xuquuqda Xildhibaanada Golaha Wakiilada, khaladna ay tahay in la xidho iyadoo aan loo haysan dambi ku cad oo uu faraha kula jiro, isaga oo sidoo kale xildhibaanku sheegay in iyana kal-kaaliyayashu ay yihiin shaqaale dawladeed, xuquuqna ay leeyihiin.
Guddoomiyaha Guddida Dastuurka iyo Shurcuuda Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo shalay ay Xafiiskiisa ugu yimadeen ehelada Kaaliyayaasha iyo Looyarada oo iyaga shalay la sii daayay ayaa isagoo arintan ka hadlaya waxa uu yidhi: “Dadkan la xidh-xidhay waa dad shaqaale dawladeed ah, Hay’adda Shaqaalaha ayaana ka masuul ah, Looyaradana xaqba looguma laha in la xidho, wax cad mooyaane, haddii aan lagu haynin dambi uu gacmaha kula jiro, Looyaraduna annaga ayey nala mid yihiin, waa dad u dooda xaquuqda dadka, hawsha waanu ka daba tagaynaa Shacbiyoow, meel kasta oo ay nala galayso waanu ka daba tagaynaa, jawaabna waad naga helaysaan, sidaa aynu isku ogaano” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.
Dhinaca kale Yuusuf Cabdi Ismaaciil oo isna ka mid ah ehelada Kaaaliyayaasha xidhan oo isna arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in ay sharci darro ay ku xidhan yihiin Kaaliyayasha xidhani.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada ammaanku ay xabsiga dhigeen Kaaliyayaasha iyo qaar ka mid ah qareenada garsoorka dalku kuwaasi oo qayb ka mid ah la sii daayay waxaanu xildhibaanku sheegay in ay baadhis ku samayn doonaan ka guddi ahaan qaabkii xadhiga bahda garsoorku ku dhacay iyo sida arrinkaasi ahaa iyaga oo marka baadhistaasi u dhammaato ay saxaafadda u soo ban dhigi doonaan waxa ay baadhitaankooda kala kulmaan.
Xildhibaan Rooble ayaa sheegay in ay tooshka ku ifin doonaan sida xaalkaasi u dhacay iyo halka sartu ka qudhuntay iyaga oo walaac ka qaba qaabka loo xidhay xalliibnaanteeda.