Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Caalamka iyo Bulshada Soomaalida Ugu Baaqay In Loo Gurmado Dadka Abaaruhu Ku Saameeyeen Somaliland
Muqdisho 15. November 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay Abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya iyo Somaliland, waxaanu Allaah ka baryey inuu Abaaraha innaga soo jebiyo, isaga oo Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaalida-ba ugu baaqay inay Gurmad deg-deg ah ka galaan xaaladda Abaaraha.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inay is gargaaran, Walaalahooda tabaalaysan ee u tabaalaysan dhinaca Abaaraha ee dhinaca Biyaha iyo dhinaca Raashinka intaba inay ka kaalmeeyaan. Sidoo kale Beesha Caalamka waxaannu ugu baaqaynaa in gargaar deg-deg ah lala soo gaadho dadkaas dhibaataysan inta aanay Abaartu sii fogaanin, dhibaatada iyo culayskuna sii badannin.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay inay abaartu aad u saamaysay Somaliland iyo Puntland, waxaanu yidhi; “Waqtigii fara-gelinta deg-degga ah lagu samayn lahaa ee lala soo gaadhi lahaa gargaarka deg-deg ah ayaa la joogaa. Dalka oo dhan Abaartu way saamaysay, laakiin waa la sii kala daran yahay; Koonfur, Waqooyi iyo Badhtamaha intaba meel Abaartu ma jirto la leeyahay ma jirto.”
“Laakiin, Abaartu waxay si gaar ah u taabatay oo Xoolihii in badan oo ka mid ahi dhaafeen, Dadkiinna dhimasho bilaabeen waa gobollada Waqooyi (Somaliland) iyo gobollada Bari (Puntland).” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka tirsan Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho.
Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Abaarihii ba’naa ee isla sannadkan aynu ku jirno aadka u saameeyey gobollada Galbeedka Somalialnd u soo gurmatay, waxaanay Hargeysa u soo dirtay Wefti isugu jiray Xildhibaanno, Madax-dhaqameed iyo Culimo, kuwaasoo lacag dhan Hal Milyan oo Doollar ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Abaaraha heer Qaran ee Somaliland oo uu Guddoomiye u yahay Madaxweyne Ku-xigeenka dalku Cabdiraxmaan-Saylici, taasoo isla maalintii lala kala wareegay Habeennimadkeedii iyadoon Guddigu ambabixin uu Roobkii Gu’gu curtay.