MUQDISHO: Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Somalia oo ay ka Cabanayaan Beelo Dega Somaliland
Muqdisho 15. November 2016 (SDN/QJ):-Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka Beesha Akisho oo ka mid ah Beelaha marka Soomaaliya la joogo la isku yidhaahdo DIR-KA WAQOOYI, ayaa cabasho ka muujiyey Masuuliyiinta reer Somaliland ee Xilalka ka haya Soomaaliya, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay duudsiyayaan waxay ku sheegeen Xaqii ay ku lahaayeen Saami-qaybsiga Beelaha Dir ka helayaan Soomaaliya.
Madax-dhaqameed iyo Odayaal ka soo jeeda Beesha Akisho oo dega meelo ka mid ah Somaliland, ayaa Shir-jaraa’id oo ay ku qabteen Shalay Magaalada Muqdisho ku sheegay in Masuuliyiinta Isaaq ee Soomaaliya ku sugan iyo Beeshoodu hore iskugu ogaayeen in si wada jir ah loo raadiyo Saami-qaybsiga Beelaha Direed ku leeyihiin Laamaha Dawladda Soomaaliya, laakiin markii Arrinkii soo dhawaaday ay ka gaabsadeen Masuuliyiinta Isaaq ee Dawladda ku jiraa. “Waxaanu nahay Beesha Akisho, waxaanu nahay Dirka dega Waqooyi-galbeed
(Somaliland), Hargeysa ayaan dhinac ka deganahay, Wajaale ayaan degganahay, Gabiley iyo Alleybaday baan degganahay, markaa Nin aan Shalay la deganaa oo aan la xuquuq ahaa oo aan meel kasta la garaacay inuu Maanta Askar ii dalbado oo Albaabka iga xidhooo uu yidhaahdo ma tihid Beelaha Direed ee Bannaanka iga istaag Waa ayaan-daro.”ayuu yidhi, mid ka mid ah Madax-dhaqameedka Akisho ee Muqdisho ka hadlay.
Xubin kale oo ka mid ah Madax-dhaqameedkaasi, ayaa sheegay, “Inta markii hore la noo carrab laalaadiyey oo la yidhi Dirka Waqooyi waxay qabaan baad la qabtaan ee aynu soo helno, marka la soo helana wixii idiinka calaf ah ayaad qaadanaysaa, laakiin markii ay Arrintii Albaabka timid in Masuuliyiintii naga gaabsadeen, Xildhibaannadii naga gaabsadeen, markaa waxaanu u aragnaa in meeshaa uu dulmi ka socdo.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu laba jeer aragnay Raysal-wasaare ku xigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, ballan-baanu ku jiifnay oo aanu ku sugeynay, laakiin hadday iyagu (Isaaq) wax duudsiyeen ma waxa la waayay cid kale oo wax garata.”