|

“Xoolaha Qaar Baannu Annagu Muwaasaxo (Biyaha Caagataha) Afka Ugu Shubnay Markaannu Aragnay Xaaladdooda, Dadkuna Way Liitaan..”

Burco 14. November 2016 (SDN/QJ):-Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku marayaan deegaannada gobollada Bariga Somaliland, ayaa ka dayriyey heerka ay xaaladaha Abaartu ka marayaan deegaannada ka tirsan Togdheer iyo Sool oo ay shalay oo ay ka tageen Burco sii mareen, waxaanu sheegay in Duunyada inta Dadka ku hadhay le’anayso, isla markaana ay Xoolaha qaar Biyaha Caagadaha ee Muwaasaxada Afka ugu shubeen markay arkeen siday yihiin, Dadkuna aad u jilicsan yahay.

15085663_1002128779897666_6865947301265744636_nCabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu sheegay in haddii aan Allaah Raxmaadka shubin xaaladda Dadka ku dhaqan deegaannada ay mareen sii adkaanayso, Xooluhuna meeshaba ka wada bixi karaan, inkastoo in yari ka sii joogto deegaannada qaarkood.

“Abaartu way xun tahay, markii hore Coodanle ayaa la isugu tegay, isna waa xaalufay oo Dadku way ka soo qaxayaan, xagga Qori-lugud bay u soo hayaamaan oo Biyo ayuun bay Nafta kula eersanayaan, xaaladduna way sii adkaanaysaa, Abaartu way sii xumaanaysaa, Biyo la’aantu way sii baahaysaa, markaa, xaaladdu way sii adkaanaysaa haddaan Illaahay Roob dhakhso ah innoo keenin.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro oo Khadka Taleefanka Xalay ugu warramay Shabakadda Wararka ee Xogsoormedia.com, isagoo ku sugan deegaanka Coodanle sida uu sheegya.

Musharrax Cirro oo la weydiiyey maaddaama oo ay Deeq Lacag iyo Raashin isugu jirtay Sabtidii ku wareejiyeen Badhasaabka Burco dadka deegaannada ay marayaan ku dhaqan inay wax u sidaan iyo inay xaaladdooda uun kormeerayaan, waxa uu ku jawaabay; “Wixii aannu u dhiibnay Guddiga Abaaraha Togdheer oo qudha looguma talo-gelin, waxaannu ugu talo-galnay gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, markaa Guddiga Abaaraha aannu la hadal-nay Badhasaabka Togdheer bay soo wakiisheen oo aannu ku wareejinnay. Markaa, wixii aannu gaar ugu sidnay dadka ku dhaqan deegaannadan aannu marayno ee deg-degga ahaa waannu u sidnaa, oo ay ka mid yihiin; Kalluun, Timir, Roodhi iyo Biyo, Gurmadka guud ee gobollada deegaannadan aannu maraynaa ka tirsan yihiinna waannaga shalay (dorraad) Guddiga ku wareejinnay markaannu Burco joognay.”

Waxa uu Cirro oo la weydiiyey Dadka ku dhaqan deegaannada ay mareen inay Xooluhu ka wada baxeen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay; “Xoolaha in badani way dhimatay, intii aan dhimanina aad bay u itaal-daran yihiin, xaaladaha aannu aragnay maanta (shalay), Xoolaha qaar baannu Annagu Muwaasaxo (Biyaha Caagataha) ku waraabbinnay oo siinnay oo aannu afka ugu shubnay sida ay yihiin. Dadku way liitaan, Carruurtu aad bay u jilicsan tahay, xaaladduna way sii adkaanaysaa, haddaan Illaahay ka soo gaadhin.”

Comments are closed