|

‘’Waxaan u bahanahay Xukumad iyo Xisbiyo Qaran oo 24 saacadood u qabta in ay Somaliland kaga baxaan Dalka Turkigu’’ C.kariin A.Mooge

Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Wasiir Ku Xigeenkii Hore ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka C.kariin Axmed Mooge ayaa Wax lala yaabo ku tilmaamay falcelin la’aanta Xukuumada ee Dhawaqyada ka soo Hor jeeda Qaranimada Somaliland ee Ka Soo Yeedhaya Madax Sare oo ka tirsan Dalka Turkiga oo ah Waddanka dhex dhexaadinaya Wada hadalada Madhalayska ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Somalia Isla markaana Somaliland ku leh Xafiis hadana ay ka soo baxayaan Hadalo ka hor imanaya Masiirka Ummadani Gaadhay.

CABDIKARIIN-AXMED-MOOGECabdikariin Axmed Mooge ayaa Qoraal Kooban oo uu ku faafiyey Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Waxa uu Ku Yidhi Sidan:-

‘’Danjiraha u fadhiya Somalia Turkiga ayaa marka kale ku celiyay in ujeedada ugu muhiimsan ee Turkigu ka leeyahay Somalia iyo Somaliland ay tahay soo celinta iyo hagaajinta wada-jirka Somalia, waxaan si toos ah u xiganaya qayb hadalkiisa ka mid ah oo ah “arinta noogu muhiimsan ayaa ah wada-jirka iyo midnimada Somalia”!! Anuu lamaan yaabin ninkan la yidhaahdo Olgan Bekar, oo waa kii mar horena duray danaha Somaliland, waa nin ay madax martay midnimada Somalia, waa nin ogsoon in aan madaxda Somaliand wax talaabo ah ka qaadi karin sir uu ka hayaba

olgan-baker-2Waxaanse is weydiinayaa horta ummadan ayaa matala? Markuu wadan xafiis Hargeysa ku lihi sidan qawan danaheena uga horyimaado ee cidiba buus odhan weydo soo taas macnaheedu noqon maayo shacabkan cid mataasha ma jirto!!! Asxaabtan qaranku aragtidooda ha cadeyaan ku wajahan Turkigan xafiiska ka shaqaynayaa midnimada iyo wada-jirka Somalia ku leh Hargeysa ee safiirkoodu markasta ku celcelinaayo in ay halkan u jogaan soo celinta wada-jirka iyo midnimada Somalia.

Waxaan u bahanahay xukumad iyo xisbiyo qaran oo kuwan oo kale 24 sacadood u qabta in ay Somaliland kaga baxaan. Siyaasiyiinta Somaliland iyaga’uunba is arka oo si qawan u wada hadla oo waad aragtaan siday hadh iyo habeen isugu cayayaan TVyada lakiin kuwa danaheena ka horyimaada uma jawaaban sida ninkan Olgan Bekar! Intay Somaliand jirtay waan joogo maan u soo joogin wadan sidan qawan u yidhaahda waxaanu ka shaqaynaynaa midnimada iyo wada-jirka Somaliland oo hadana xafiis iyo dano ku leh Somaliland

Hadii wadan sidan ujeedadiisu tahay xafiis ku lahaan karo Hargeysa maxaynu ku haysanaa inamadeena xamar jooga ee xitaa loogu diida in ay ka soo qayb galaan aaska walidiintooda dhimata!

Comments are closed