‘’Waxaan Maalmahan Arkaynay Kulmiye,Isla Kulmiye Ku Biiraya Laakiin Cidii diida Waa La Xidhayaa,Maxamed Kaahinoow Sababta aad u kala qaaday Prof Buubaa Iyo Sifir Waa Mid Qabiil’’ Xoghayaha Guud ee Waddani
Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed C.laahi Uurcade ayaa Xukuumadda Somaliland ugu Baaqay inay si deg deg ah Xoriyadiisii ugu soo Celiso mid ka mid ah Madax dhaqameedka Gobolka Togdheer oo u Xidhan Kadib markii Beeshiisu ay Taageertay Sida uu Yidhi Xisbiga Waddani.