Cashadii Gudoomiye Muuse Biixi Ee Xalay Ma Dawayn Doontaa Cadhada Saylici?
Hargaysa 14. November 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay magaalada Hargeysa casho sharaf ugu samaynayaa ciyaaryahanada Xulka Gobolka Awdal ee Hantiyey Horyaalka Ciyaaraha Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland ee doraad lagu soo gabo gabeeyey Magaalada Hargeysa.
Kulanka casho sharafta ah ee Muuse Biixi Cabdi ku marti qaaday Ciyaaryahanada Gobolka Awdal ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu khilaaf ka dhex taagan yahay Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici oo u wada sharaxan Doorashada 2017 horaantiisa la filaayo in ay ka dhacdo Dalka.
Iyada oo sida warar Xog ogaal ahi ay tibaaxayaan in khilaafka Muuse Iyo Saylici uu gaadhay Heer aanu booqan Muuse Biixi Dhawaan markii uu lugta dhaawac ka soo gaadhay Madaxwayne Ku xigeenka taasi oo haatan xaalad caafimaad loogula maqan yahay dalka Dibadiisa.
Hadaba cashada xalay ee Muuse Biixi ugu baaqay Ciyaaryahanada Reer Awdal ee Tabaya Booskii maamuus ee ay ku lahaayeen Madaxwayne ku xigeenka Gobolkooda ka soo jeeda ayaa waxa kafaalo qaaday Musharaxa ay is khilaafsan yihiin balse arintani ma noqon doontaa mid daawo u ah khilaafka siyaasadeed ee labadan musharaxa ka dhex aloosan.