|

Soomaaliya: Qaramada Midoobay Oo Waan-waan Ka Bilowday Dagaallada Gaalkacayo

Gaalkacayo 14. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Galmudug oo Shalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo ayaa heshiiska ka gaadhey colaadaha soo noqnoqday ee ka Jiray magaaladaasi Bishii u dambaysay.

madaxweyneyaasha-punt-land-iyo-galmudugKulankan ay Madaxwaynayaasha Gal-mudgu iyo Puntland Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ku heshiinayeen waxaa goob-joog ka ahaa wakiilka qaramada midoobay u fadhiya dalka Soomaaliya Mr Micheal Keating, Ra’iisal Wasaare dalka Soomaalida Cumar Cabdirashiid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan midowga Afrika.

Shirkan oo ahaa mid albaabada u xidhnaayeen ayaa waxaa lagu heshiiyay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la xoojiyo heshiiskii lagu saxeexay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta oo uu qodobka koowaad ahaa in Dagaalka la joojiyo.

gaas-keating-5Labada dhinac ayaa 20-ka bishan ku kulmaya magaalada Kismaayo, iyadoo la sii adkeynayo heshiiska xabad joojinta ee laga gaadhay colaadda todobaadyada ka jirtay magaalada Gaalkacayo ee shacabka badani ka barakaceen.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay heshiiska labada dhinac, waxaana uu faray dhinacyada isku haya magaalada Gaalkacayo inay xoojiyaan heshiiska nabadda ee qaramada Midoobay Goob jooga ka ahayd.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa dhankiisa balan qaaday in Qaramada Midoobay ay gacan ka geysaneyso dhaqan gelinta heshiiskaas. Heshiiska ayaa shalay Galinkii dambe lagu kala saxeexday Magaalada Gaalkacayo ee dagaaladu ka socdeen.

Comments are closed