|

Tirada Soomaali Itoobiya Maxkamadaysay, Xukunnada Lagu Riday Iyo Sababta Loo Haysto

Addis Ababa 13.November 2016 (SDN/QJ):- Sideed Qof oo Soomaali ah oo 2013-kii lagu xidhay dalka Itoobiya, ayaa lagu xukumay Xabsi, ka dib markii lagu eedeeyay dembiyo la xidhiidha Argaggixisannimo.

Waxaa lagu xukumay inta u dhexeyso 2 illaa 9 sano, ka dib markii lagu helay inay si sharci-darro ah ku galeen Itoobiya iyo inay isku deyeen inay weeraraan goobo ku yaalla Caasimadda Waddanka Itoobiya ee Addis Ababa oo Xukunkani ka dhacay.

 

Waxaa Raggan lagu eedeeyay inay isku dayayeen inay qarxiyaan goob lagu daawanayay Ciyaarta isreebreebka Koobka Qaramad Afrika oo dhexmareysay Itoobiya iyo Nigeria sannadkii 2013-kii.

Kooxda Al-Shabaab, ayaa marar badan Wacad ku martay inay weerari doonto Itoobiya oo kumannaan Ciidammo ah ay ka joogaan Soomaaliya. In badan oo ka mid ah Ciidammadaas waxay qayb ka yihiin AMISOM.

Bishii la soo dhaafay Millateriga Itoobiya, ayaa billaabay inay qeyb ka mid ah Ciidammadooda kala baxaan Soomaaliya, ka dib markii dawladda Itoobiya ay sheegtay inay culeys dhinaca dhaqaalaha ah la kulantay.

Ka bixista Ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, ayaa ku soo beegantay wakhti ay sii xoogaysteen muddaharaadyo rabshado wata oo ay Qoomiyaha ugu badan dalkaas ee Oromada iyo Axmaaradu kaga soo horjeedaan Xukuumadda Itoobiya ay dalkaas ka socdeen tan iyo sannadkii hore, isla markaana ay dawladdu waddanka ku soo rogtay xaalad deg-deg ah muddo lix bilood ah, iyadoo masuuliyadda kacdoonnadaas ku eedaysay Itoobiya waddamada la jaarka ah ee Masar iyo Eriteriya.

Comments are closed