|

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Hambalyeeyay Xulalkii Ku Guulaystay Tartankii Ciyaaraha Gobolada Dalka & Laamihii Dawlada ee Taabo Geliyey

Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Waddani wuxu hambalyaynayaa qabsoomidda iyo dhamaystirka tartanka ciyaaraha gobolada ee markii ugu horreysay ee kala badh muddadii lixda sano ahayd ee ay Xukun ka hayeen Xisbiga kulmiye ka qabsoontay Somaliland,Sidaa Waxaa Yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani C.rashiid Xasan Mataan oo Qoraal Kooban ku faafiyey Barta uu Ku Leeyahay Shabakada Facebook.

Garoonka Hargaysa StudiumWaxanu ku hambalyaynayaa wasaaradii, maamuladii gobolada, kaalintii taageero ee xisbiyada iyo tii dhalinyarada JSL gudo iyo dabadba ay ka gaysteen tababarkii iyo diyaarintii kooxaha ciyaaraha kala duwan.

Garoonka Hargaysa StudiumWaxanu hambalyaynayaa ciyaar yahanadii kala duwanaa ee gobolada ee ka qaybgalay, tababarayaashoodii, taageerayaashii iyo garsoorayaashii kala duwanaa dhammaantoodba.

Waxanu si gaara u hambalyaynayaa kooxihii kala duwanaa ee kaalmaha Kowaad iyo labaad ka galay

Si gaara kubbada cagta Xulkii Awdal ee qaaday koobka iyo xulkii Saaxil ee galay kaalinta labaad.

Guud ahaan waxan hambalyaynayaa qaranka Somaliland guusha qabsomidda iyo dhamaystirka ee ciyaaraha gobolada 2016.

Comments are closed