Cilad gashay Facebook oo sababtay in dad nool barahooda lagu qoray iney dhinteen & Falcelinta Shirkada Facebook
Washington 13.November 2016 (SDN/QJ):- Khalad farsamo oo ku dhacay barta xiriirka bulshada ee facebook ayaa keenay in muddo saacado ah dad badan oo isticmaala lagu arkay barahooda fariimo muujinaya inay dhinteen.
Ciladan oo dhacday Doraad Jimcihii ayaa keenay inay dad nool barahooda lagu arko astaan murugo oo baroor diiq ah.
Fariintan baahday ayaa ahayd mid loogu talo galay in lagu xasuusto dadka geeriyooday ee adeegsan jiray Facebook ayaa si khalad ah u gaartay bogagga dad nool oo uu ka mid yahay madaxa shirkadda Mark Zuckerberg.
Fariin boggiisa ku soo qorantay ayaa waxay u dhignayd sidatan: “Waxaan rajaynaynaa in dakii jeclaa Mark ay ku samri doonaan waxyaabihii wacnaa ee intii uu ifka joogay qaban jiray, isla markaana ay asxaabta kale xasuusin doonaan si ay u xusaan noloshiisii”.
Dad badan ayay arrintani ku khasabtay in ay fariimo u qoraan ehelka iyo asxaabtooda iyaga oo u sheegaya in ay nool yihiin oo waxan meesha ku qormayna ay been yihiin.
Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa yiri sheegay in cilladii farsamo ee foosha xumayd haatan la xalliyey, isagoo xusay iney aad uga xun yihiin waxaa dhacay.
Facebook ahaa noqotay mida caalamka loogu isticmaalka badan yahay baraha bulshada, waxaana ku xiriira balaayiin oo ay ku jiraan madax iyo shaqsiyaad caan ah.