|

“Anigu Maaha Waxaan U Taageerayo Muuse Biixi ee Cod kayga U Siinaya Ma aha Qabyaalade Waan Xisaabiyey,Waayo Waddani Dee Ragba Ku Dhamaaday, Marka Ana Kan Kalidi Meesha Lagaga Tagay Inan Is Idha…’’ Cali Guray DAAWO

Hargaysa 13.November 2016 (SDN/QJ):- Cali Maxamed Yuusuf ‘’Cali Guray’’ ayaa sheegay inuu ka baydhay Garabka uu Hogaamiyo Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen Waxaanu Sheegay in Wixii hada ka danbeeya uu Taageeri doono Isla markaana uu Codkiisa siin doono Murashax Muuse Biixi.

cali-maxamed-yuusuf-cali-guray-2016Guddoomiye Ku-xigeenkii Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa sheegay inaanu mar dambe ka qayb-qaadanaynin halgan kasta oo Garabkii uu ka tirsanaa ee UCID ee uu hoggaamiyo Musharrixii Xisbigaas Jamaal Cali Xuseen ka galayo khilaafka Xisbigaas kala qaybiyey, ka dib markii ay Xukuumadda iyo Guddiga diiwaangelintu taageereen Garabka Faysal Cali Waraabe Shirkoodii Hargeysa, iskana laablaabeen go’aankii Maxkamaddu ka soo saartay.

Cali-Guray waxa uu sheegay inaanu halgan dambe oo UCID ugu hadhay jirin ee uu halgankii hore ee uu u soo galay Garabka Jamaal isku qoomammaynayo sida uu hadalka u dhigay, waxaanu sidaa sheegay mar uu ka hadlayey Dacwado uu Jamaal Cali Xuseen sheegay inuu mar kale Maxkamadda sare uga gudbinayo Faysal Cali Waraabe iyo Garabka uu hoggaamiyo ee Xisbiga UCID.

Hadalkaas ayuu Jamaal shaaciyey Khamiistii, ka dib markii shirweyne aan caadi ahayn oo ay Maxkamadda sare si wada-jir ah ugu amartay Garabyada Faysal iyo Jamaal ee Xisbiga UCID meesha laga saaray wada qabashadii shirkaas, isla markaana Xukuumadda, Xisbigeeda Kulmiye iyo Guddiga diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyadu si buuxda u taageereen Garabka Faysal oo ay u oggolaadeen inuu keligii qabsado shirkaas toddobaadkii hore, halka Shir Jamaal Garabkiisu qaban lahaana Xukuumaddu ka hor-istaagtay, ka Faysalna ka qabsoomay Hargeysa, laguna laalay heshiiskii Jamaal la galay UCID 2012-kii, looguna doortay Musharraxa Xisbigaas Faysal Cali Waraabe, sidoo kalena lagu ansixiyey inuu isago soo magacaabo Qofka Musharrax ku-xigeen u noqon doona.

Waxa uu Cali-Guray qodobbadaas ku sharraxay oo ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey Bartiisa Facebook Jimcihii, kaasoo u dhignaa sidan:- “‘Beeni maxay tari Booramaan ka imide?’. Aniga halgan iguma hadhin. Waayo-aragnimada la isuma gudbiyo illaa uu Qofku soo taabto si kale laguma helo. La yaabi maayo ciddii halgan hor leh bilaabaysa, laakiin, Aniga iguma Xisaabtanto, halganna kii hore ayaan isku qoomameeyaa oo waxaan is weydiiyaa horta ma wax Adiga kaa maqnaa baa jira?

Kolkaa waan u ducaynayaa ciddii sii wadanaysa haddii khilaafkii UCID halgan isu rogo. Aniga cid i bahdishay iyo cid i bahdili karta oo Hooyo dhashay oo Carro Edeg joogtaa ma jirto, Aniguna weligay cid maan bahdilin, waayo? Waxa Anigu aan diido qayrkay uma quudhi karo.”

Comments are closed