Khilaaf Ka Dhex-taagan Musharrixiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Oo Dibedda U Soo Baxay iyo Halka uu Salka Ku Hayo
Hargaysa 13.November 2016 (SDN/QJ):- Khilaaf la sheegay inuu muddo huursanaa oo uu u dhexeeyo Musharrixiinta Jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dibedda u soo baxay, ka dib markii Guddoomiye Biixi iyo Xubnaha kale ee Hoggaanka Xisbigaas la sheegay inaanay ka ag-wareegin Madaxweyne Ku-xigeen Saylici oo Misigta Bidix dhaawac ka soo gaadhay Maalintii Axadda ee toddobaadkii hore.
Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo Khamiistii loo qaaday dalka Imaaraadka Carabta si loogu soo daweeyo halkaas, ka hor intii aan la qaadin, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xubno Golihiisa Wasiirrada ka tirsan, Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ka tirsan, Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Masuuliyiin Xisbigiisa ka tirsan, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbigaas ahna Guddoomiyaha Garabka Toosinta iyo Cadaaladda ee Waddani Axmed Muumin Seed iyo Xubno kale, ayaa siyaabo gooni-gooni ah Gurigiisa magaalada Hargeysa marar kala duwan ugu booqday.
Hase-yeeshee, Shabakadda Caynabanews oo aannu warkan ka soo xigannay, ayaa xalay Baahisay, inuu qarxay, isla markaana dibedda u soo baxay khilaaf muddo huursanaa oo u dhexeeyey Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Kulmiye ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici, ka dib markii uu jabay ee ay Musharrax Muuse iyo Masuuliyiinta kale ee Xisbigaasi xataa booqasho ugu tegi waayeen, halka ay Masuuliyiinta Mucaaradku ka booqdeen.
Waxa warkan Caynabanews baahisay intaas ku daray in khilaaf u dhexeeyey labada Musharrax, isla markaana uu khilaafkaasi huursanaa muddaba, balse uu ka soo bilaabmay waqtigii diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland ka socotay gobolka Awdal, iyada oo laysku khilaafay kulammo lala yeelanaayey Oday-dhaqameedka iyo Bulshada reer Awdal oo lagala hadlayey diiwaangelinta iyo sidoo kalena taageero ay siiyaan Xisbiga KULMIYE, sida ay baahisay Caynabanews.com.
Caynabanews oo sii wadday qoraalkeeda warkan, waxay sheegtay in Laga soo bilaabo waqtigaasi illaa xilligan ay wada shaqaynta Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahayd mid sii daciifaysay oo aan wanaagsanayn, taas oo ay sheegtay inay soo shaac-saartay booqasho la’aanta Muuse Biixi ugu tegi waayey Saylici.
Warkani waxa uu intaas ku daray in khilaafku keliya aanu ku koobnayn Saylici iyo Muuse, balse uu ka sal-ballaadhan yahay, isla markaana aanay sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Afhayeenka Xisbigaas Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), iyaguna aanay ka ag-wareegin oo aanay booqannin Madaxweyne Ku-xigeenku intii uu dhaawacu soo gaadhay ee aan dalka dibeddiisa loo qaadin Khamiistii.
Si kastoo ay tahayna illaa hadda lama oga sababta keentay booqasho la’aanta Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Musharraxa Ku-xigeenka ee Kulmiye ay hoggaanka Xisbigaasi u booqan waayeen, hase-yeeshee, Shabakaddu waxay ku celcelisay in khilaaf huursanaa qarxay oo wakhtigan dibedda u soo baxay.
Inkastoo khilaafaadka ka dhex-qarxa Xisbiyada Somaliland ka jiraa noqdeen kuwo joogto ah oo soo noqnoqda, haddana khilaafkan Saylici iyo Muuse ee la shaaciyey ayaa wakhtigan dad badan ku noqonaya lama filaan, maaddaama oo ay Muuse iyo Saylici ahaayeen Nimankii markii ay sharraxnaayeen ka hor intii aan lagu dooran shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye oo qabsoomay tobanka bishii 11-aad ee sannadkii 2015-kii Xulufada iyo Saaxiibbada aadka isugu dhaw ahaa, isla markaana dhinac uga soo wada-jeeday Garabkii la baxay Isbahaysiga Dimuquraadiyad-doonka Kulmiye ee dhawaan ku biiray Xisbiga Waddani oo ahaa Masuuliyiin Xukuumadda iyo Kulmiye ka kala tirsanaa intii aanay 27 Aktoobbar 2015-kii markii kooto Musharrax Muuse biixi loogu xidhay Booska Musharraxa Madaweynaha iyagu xilkaas iska casilay.