Xulka Gobolka Awdal oo Ku Guulaysatay Koobkii Kubada Cagta ee Gobolada S.land Iyo Xulka Gobolka Saaxil oo Hantiyey Koobkii Kubada Kolayga
Hargaysa 12.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Galabta Gudoonsiiyey Xulka Gobolka Awdal Koobkii Kubada Cagta ee Tartanka Gobolad Somaliland Kadib Markii ay Ka Guulaysteen Xulka Gobolka Saaxil oo 2 iyo Hal ay kaga badiyeen Kadib Markii ay Isugu soo Baxeen Ciyaarta kama danbaysta ah ee Koobka Gobolada Somaliland oo ka dhacday Garoonka Hargaysa Studium.
Daqiiqadihii hore ee Qaybtii Kowaad ee Ciyaarta ayaa Xulka Gobolka Awdal Waxay la Yimaadeen Goolkoodii Kowaad oo uu Saxeexay Ciyaar yahan C.rashiid C.laahi.
Labada Xul ayaa soo bandhigay Ciyaar farsamadeedu Sarayso Hasa Yeeshee Xulka Gobolka Awdal ayaa Isla qaybtii Hore ee Ciyaarta la Yimid Goolkoodii 2aad ee Guusha Kaas oo uu Shabaqa ku hubsaday Ciyaar yahay Bah-doon.
Qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa Waxay Xulka Gobolka Saaxil heleen Gool ku Laad Toos ah waxaana u laaday Mustafe Meesi hasa yeeshee Goolkaasi muu Dhalan.
Daqiiqado kadib Xulka Gobolka Saaxil ayaa la Yimid Goolkoodi Kowaad oo uu u Saxeexay Ciyaar yahan Lagu Naanayso Caaqilka.
Waxaa Muuqatay in Xulka Gobolka Saaxil ay soo bandhigeen Hanaan Ciyaareed iyo Weerar adag si ay Guusha ula caraabaan.
Hasa Yeeshee Wakhtigii loogu Talo Galay Ciyaarta ayaa Ku Soo Dhamaatay 2 Gool Iyo 1 ay Guushu ku raacday Xulka Gobolka Awdal oo Sidaasi ku hantiyey Koobkii Tartanka Ciyaaraha Kubada Cagta.
Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Xulka Gobolka Awdal Gudoonsiiyey Koobkii Kubada Cagta ee Gobolada Somaliland Halka Koobkii Kubada Kolayga ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland uu Madaxweynuhu Gudoonsiiyey Xulka Gobolka Saaxil Kadib markii ay Habeenkii Xalay ka Guulaysteen Xulka Gobolka Gebilay.
Sidoo Kale Wuxuu Madaxweynuhu Bilado Sharaf Gudoonsiiyey Ciyaar yahano, Orodyahano, Tababarayaal,Garsoorayaal,Bah’da Warbaahinta, & Mas’uuliyiin kala duwan oo door ka qaatay Qabsoomida Tartankan Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Wareegiisa Rubuc dhamaadku uu ka Socday Caasimada dalka ee Hargaysa.