Madaxweyne Donald Trump iyo Marwadiisa oo Obama iyo Xaaskiisu Ku Qaabbileen Aqalka Cad ,Arrimihii ay Ka Wada Hadleen,& Weedho Dublamaasiyadeed oo Obama u Sii Qadimay Trump DAAWO
Washington 11.November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trum iyo Madaxweynaha Shaqada ka sii tegaya ee Barack Obama, ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo waddankaas ku kulmay. Halkaas oo uu Obama ku soo dhaweeyey Madaxweynaha uu xilka ku wareejin doono ee la doortay Mr. Trump.
Kulankan, ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 90 daqiiqo. Sidoo kale, waxaa booqashada ku weheliyey Mr. Trump Xaakiisa Melania Trump, waxaana soo dhaweysay Xaaska Madaxweynaha Xafiiska ka tegi doona 20-ka bisha 1-aad ee 2017-ka Michelle Obama.
Kulankaasi kadib ayaa labada nin waxay si kooban ula hadleen saxaafadda. Madaxweyne Obama oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay inuu wadahadal wanaagsan la yeeshay Mr Trump. Waxa uu sheegay in isaga iyo golihiisa wasiirrada ay ka shaqayn doonaan sidii xil wareejinta ay ugu fududaan lahayd Mr Trump iyo maamulkiisa.
Madaxweyne Obama, ayaa sheegay inuu doonayo in Mr. Trump uu ku guulaysto hoggaaminta Waddanka. Waxaanu intaas ku daray in haddii Trump uu guulaysto ay ka dhigan tahay Maraykanka oo guulaystay.
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Madaxweynaha la doortay Mr. Trump oo sheegay in waqtiga ay kulmeen Obama ay ka wada hadleen qodobbo kala duwan oo isugu jira kuwo adag iyo kaleba. Waxa uu sheegay in shirkaasi uu socon karay muddo dheer, isagaoo muujiyey inuu xiiso lahaa, isla markaana aanu hadda ka hor la kulmin Obama. Balse uu ka filayo talooyin fiican mustaqbalka.
Trump, ayaa sidoo kale ku tilmaamay Mr. Obama inuu yahay Nin wanaagsan. Labada Masuul ee Xilka la kala wareegi doona horraanta sannadka 2017-ka, ayaa diiday inay wax su’aalo ah ka jawaabaan markii Saxaafadda loo oggolaaday Qolka ay ku shirayeen oo ay inta shirku socday dibedda ka joogeen.