Hillary Clinton oo markii ay Naxdin Goysay Si Cajiib ah uga Hadashay Doorashadii uu Kaga Guulaystay Madaxweynaha 45 ee Dalka Maraykanka Donald J. Trump SAWIRO
New York 11.November 2016 (SDN/QJ):- Musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee looga guuleystay madaxtinimada Maraykanka Hillary Clinton ayaa sheegtay in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, la siiyo fursad uu dalka ku hoggaamiyo.
Hillary Clinton oo fagaare soo istaagtay tan iyo markii ay qiratay in doorashada lagaga adkaaday ayaa waxay sheegtay inay rajeynayso in Mr Trump uu ku guulaysto inuu madaxweyne u noqdo dadka Maraykanka oo dhan.
“Waxaan aragnay in waddankeennu u qaybsan yahay si ka qota dheer sidii aan u maleynaynay,waxaana rajaynayaa in madaxweynaha cusub uu ku guuleysto mideynta shacabka Maraykanka” ayay tiri Hillary Clinton,
Mrs. Clinton waxay kaloo ku boorrisay taageerayaasheeda inay xushmeeyaan natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in dastuurku dhigayo in xukunka si nabadgelyo ah la isugu wareejiyo.
“Waan ka xumahay in aynaan ku guulaysan doorashadan balse, dhaqamada wanaagsan ee naga dhexeeya iyo aragtida aan ka qabno dimoqraadiyada waddankeenna ayaa na fareysa inaan xushmeyno natiijada doorashada” ayay sheegtay Mrs Clinton oo taageerayaasheeda kula hadlaysay New York.
“Dhalada saqafka ugu dheer uguna adag, weli ma ayan gaarin Laakiin maalin uun, qof ayaa gaari doona” ayay tiri Mrs Clinton, iyadoo ka hadlaysay guuldaradeeda inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota waddanka Maraykanka.