“Faysal Cali Waraaboow, Siddii Madaxweynahu Sheegay Umaddaa UF Ku Tidhi oo Basaas Baad Ahaan Jirtay, Cirro na Waa Ninkii Barafka iyo Qaxoontiga Ka Soo Ka Xeeyey ee Finland Ku Geeyey.”.Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI DAAWO
Xoghayaha Guud ee WADDANI oo Dhalliilay Shirkii UCID+Xukuumadda oo uu Ku Eedeeyey in Ay Faysal Cali Waraabe u Adeegsanayso Burburinta Shuruucda Dalka iyo Jawaabo Adag oo uu Ka Bixiyey Hadalo uu Faysal Hore ugu Duray Cirro iyo Uurcade
Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa si adag u dhalliilay shirkii garabka Faysal Cali Waraabe ku qabsadeen magaalada Hargeysa, waxaana uu sheegay in go’aamaddii ka soo baxay shirkaasi aanay gebi ahaan ba waafaqsanayn Dastuurka iyo Xeerarka u yaala Qaranka Somaliland isaga oo burburinta shuruucda dalka dusha u saaray Xukuumadda KULMIYE oo uu sheegay in ay Fasyal Cali Waraabe u adeegsanayso in uu burburinta shuruucda dalka Somaliland.
Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu sida oo kale uu jawaabo cad ka bixiyey hadalo aflagaado u badnaa oo Faysal Cali Waraabe ku duray guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi Cirro iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaasi, waxaana uu soo faqay dhalliilo badan oo ku saabsan shakhsiyaddiisa ku waasi oo uu dusha u saaray Faysal Cali Waraabe isaga oo ku tilmaamay in uu ahaa nin dadka u basaasa Rajiibkii Siyaad Barre sida oo kale na uu isaga oo ku dhex jira barafka iyo qaxoonti ku yaala Ruusha uu Cabdiraxmaan Cirro ka soo ka xeeyey Fasyal Cali Waraabe isla mar ahaantaana uu muddo dheer ku noolaa guriga Cirro balse uu wakhti xaadirkan u muuqda mid inkiraaya abaalkii hore loo galiyey.
Hadalka Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI oo aad u dheeraa awgeed, waxa uu u dhignaa sidan:
‘’Marka hore waxa la wada oggaa go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland ay go’aan cad oo labada dhinac ba taageereen ay ka soo saartay, go’aankaas oo ahaa in si wada-jir ah loo qabto shir loo wada dhan yahay lagu na ansaxiyo wixii lagu heshiiyey Xisbiga gudahiisa markii labada garab ay isku biirayeen, nasiib darro waxa si indho la’aan ah oo aan xeerarka dalka iyo dastuurka toona midna waafaqsanayn ay dawladda iyo KULMIYE oo wada jiraa ay si toos ah ugu tunteen shuruucdii, nidaamkii iyo hay’adahii qarankan uu lahaa oodhan iyaga oo dalkii ka dhigay dal aan sharci lahayn. Tallaabaddii ugu horreysay ee ay qabteena waxa ay ahayd in amar lagu bixiyo in Hoteeladdii ay labada garab ee UCID qolona loo oggolaado oo la yidhaahdo qabsada, garabka kalena meel walba waraaq laga dhigo oo loo diido in ay qabsadaan oo la yidhaahdo ma qabsan kartaan wax shir ah.
Nasiib darrada intaa leeg kumay dhicin oo kaliya Xisbiga UCID, waxa kale oo ay ku dhacday guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland, aad iyo aad ayaana aanu Xukuumadda ugu cambaareynaynaa sida indho la’aanta ah ee ay Xukuumaddu u burburisay shuruucdii Qaranka, aad iyo aad ayaanu u cambaareynaynaa sida Maxkamaddii Qaranka oo ahayd hay’addii qaranka ugu sarreysay ahi ay go’aamaddeedii sida badheedhka ah u dumisay, waana Xukuumadda ta ku tumatay Maxkamaddii Qaranka iyo Hay’adahii Qaranka inta ba ee diiday in Xisbiyo na ay dalkan ka jiraan, hay’ado qaran na ay dalkan ka jiraan, waxaana aanu hay’adaha caalamka u soo jeedinaynaa in Xukuumaddani ay caddeysatay in aan Xisbiyo na jirin, hay’ado qaran lee yahay oo dalkan kala wadaana aanay jirin. Maxkamadda sare way ifaysay intii dambe se tii ugu dambaysay ee hay’adaha Qaranku waxa ay ahayd Maxkamadda sare, waad oggeydeen halka uu maray Golahii Wakiiladu, Golaha Guurtida na waad og tihiin halka ay mareen. Waana taas hay’addii ugu dambaysay ee soo ifaysay in go’aamaddeedii la tirtiray, waana ayaan darro inta inan yar oo wasiir ah la lee yahay waraaq qor oo Maxkamadda diid waxa ay tidhi, waa nasiib darro runtii, umaddaa la caayayaa yoo, waxa loo haystaa iyaga uun ay wax garanayaan oo aanay umaddaa kale oo dhammi wax garanayn.
Shirkaas ay wada malmaluuqeen Xukuumadda iyo KULMIYE ujeedada gaarka ah ee laga lee yahay ee Xisbigii dhammaa ee qaranku lahaa loo burbiriyey, waxa ka soo baxay go’aamo runtii aad iyo aad la yaab u leh oo iyagu na la mid ah sharci jebintii hore ee la sameeyey iyo tii dambe ee iyada na sida xad dhaafka ah loo sii lafo guray, kow, waxa la tirtiray iyada oon loo dhammayn go’aankii ay Maxkamaddu tidhi iyada oo loo dhan yahay ha la geeyo, lama tirtiri karo oo waa qeyrul sharci marka sharciga laga hadlaayo oo dadkii wada joogay marka ay joogaan uun baa la tirtiri karaa oo la laali karaa oo qeybi ma tirtiri karto. Arrinta labaad go’aamada ay soo saareen waxa ku jirtay in Faysal Cali Waraabe la sharaxo saddex jeer, waa wax lagu qoslo oo la yaable weeye runtii, Distoorka Qaranku wuxu qorayaa in laba goor muwaadin kastaa u tartami karo Madaxtooyada, labaddii goorna sidii uu Madaxweynahu sheegay umaddu UF bay ku tidhi Faysal, marka saddexaad waa qeyral Distoori mana aha in umadda la horkeeno wax aan Distoorka iyo Xeerarka dalku aanay bannayn, Xeer-14 iyo Distoorka Qaranka labadu ba waa ay ka soo horjeedaan iyo shuruucda dalka inta ba.
Waxa ku xigtay oo iyada na ay soo saareen oo aad iyo aad la yaab u leh, in uu Faysal Cali Waraabe yidhi Madaxweyne ku xigeenkayga anigaa soo magacaabaya. In nin uu yidhaahdo anigaa Madaxweyne ku xigeen qalinkayga ku magacaabaya waa nasiib darado dalka ku habsatay Xukuumadda na ay hormuud ka tahay, Madaxweyne ku xigeen waxa dooran kara Golaha Dhaxe ee Xisbiyada Qaranka , shir baana lagu dooran karaa Golaha Dhaxe lee yahay, marka meel na sharciyadda dalka kama waafaqsana in uu yidhaahdo anigaa soo dooranaya Madaxweyne ku xigeenka dalka Maamuli doona.
Arrinta kale ee la yaabka leh, shirweynahii Xisbiga wuxu dib u dhigay muddo hal sanno ah siddii Guurtida ayuu hal sanno ka dambeysiiyey, sharcigu wuxu ogal yahay Distoorka iyo Xeer-14 ba malaha shuruucda ma akhriyo Faysal e’ in 90 cisho oo kaliya dib loo dhigi karo shirweynaha, wax sannad dib u dhigaa ma jiraan aduunyada shirweynahooda meel ay innooga ga qoran tahay shuruucdeena na ma jirto sidaas awgeed markaanu qodobaddaas aanu aragnay, siddii qeyrul sharciga ahaa ee uu shirkaasi u qabsoomay iyo siddii Maxkamadda sare ee Qaranka Somaliland go’aamaddii ay gaadhay looggu tuntay, waxa aanu u aragnaa in ay tahay burburintii shuruucda dalka iyo nidaamkii qarankani lahaa iyo nidaamkii ay Axsaabtani ku tartami lahayd in la burburinaayo, dalkana la doonaayo in Faysal loo adeegsado burburinta shuruucda dalka oo ay Xukuumaddu u adeegsato, sidaas awgeed waanu cambaaraynaynaa, waanu ka soo horjeednaa, si adag na waanu u cambaaraynaynaa go’aamaddaas ka soo baxay shir ku sheegaas ay Xukuumaddu abaabushay. Faysal na waxa aanu u aragnaa nin loo adeegsanaayo cid gaara oo uma aragno nin qaran lagu dhisaayo.
Faysal Cali Waraabe, wuxu si indho la’aan ah oo toos ah uu u aflagaadeeyey Xoghayaha guud iyo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI, isaga oon geed na ugu soo gabban, sababta uu ugu marmarsooday na ay tahay Jamaal bay taageereen, xaq baanu taageernay ee annagu Jamaal maanu taageerin adna xaq darro ayaad ku socotaa oo Xisbiga WADDANI na xaq darro marnaba ma taageeraayo, waxa aanu lee nahay waxa aad tahay ninka kaliya ee arrintii UFO uu ka sameeyey awgeed buug laga qoray ee lagu iibiyo magaalada oo ay ku qoran tahay in aad UFO basaastay oo dhab ah oon dacaayad ahayn oo weli ba xaflad loo sameeyey, waxa aad tahay ninka kaliya ee markii ay arkeen inamaddii Mutacallimiinta ahaa ee reer Hargeysa imika waa odeyaale ee ka bedalay gogashii iyo sariirahii Afweyna na u loogay ee inta uu Gaandi ka ashkateeyey Maxkamadda saaray ee illaa maanta xanuunkii waagaas ay qaadeen u il daran.
Muddo 12 sanno ah ayuu hadal hayey Cirro ninkaasi(Faysal), marka waxa aan umadd u sheegayaa markii Rajiimkii uu Faysal Cali Waraabe basaaska ka ahaa ay SNM dalka ka qabsatay Faysal waxa uu u baxay Qaxoonti, wuxu galay Moscow, Moscow isaga oo barafkii dhex lugeynaaya waxa ka soo ka xeeyey Cabdiraxmaan Cirro oo uu maalin walba caayayo, gurigiisa ayuu ku hayey isaga iyo ubadkiisa, sida caruurtiisa ayuu u hayey, markii dambe na Findland buu Tahriib ku geeyey, Cirro markaa miyaanu Faysaloow aanu ahayn safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Moosko, waa nasiib darro aniga..aniga..aniga..aad dadka la baratay, laakiin waxa weeye umadda nin walba intiisa ayaa la qiraa abaalkana lama gabo, abaal laawe ayaad tahay, ninkii barafka iyo qaxoontinimada kaa ka xareeyey ee adiga oo Tahriib ah Finland ku geeyey ee safiirka ahaa in aad maanta tidhaahdo Xannaano ayaan ka soo ka xeeyey oo uu ka shaqeynaayey.”.
“Faysal waa uu ka faa’ideystay fursaddii SNM oo dalka ayaa uu ku soo noqday, waxa aan maalinta qiyaame la imanayaa in muddo shan sanadood ah, ayuu imanaayey oo uu wax ka cunaayey Cirro na uu ag fadhiyey, iyana abaal laawe ayaad ka tahay in aad ninka shan sanno kugu hayey gurigiisa aad oo reer Somaliland oo dhammi ay markhaati ka yihiin gurigiisa in erayga aad soo qaadaaba aad isaga ku soo darto oo lagu yidhaahdo Cirro soo cay oo soo aflagaadee ha dhaco e’ waa nasiib darro.”.
“Waxa aad ku cabataa oon anigu markhaati ka ahay Somaliland oo dhammi na ay wada og yihiin in aan Cirro ka shaqeyn Doorashaddaadii, anagu na aanan ka shaqeyn. Saddex meelood baad kaalinta 1aad aad ka gashay Doorashaddaadii ugu dambaysay, saddexda meelood na malaha waad ilowsan tahee Oodweyne kaalinta 1aad ayaad ahayd, meesha la yidhaahdo Sabo-wanaag iyo Cadaadlayna kaalinta 1aad ayaa iyaga na aad ahayd se nasiib darradu waxa weeye adiga oo maalin walba yidhaahda Qabyaaladda ma aqaano, ayaad hada na aad tidhaahdaa reero ayaa codkoodii I siin waayey oo ah kuwii kaalinta 1aad kaa dhigay Somaliland, laakiin ka kuwaas ba kaalmaha hore ku geeyey yuu ahaa, cidda deegaanaddaas Xisbiga ugu jirtay ee halkaas ku geysay Cirro ayey ahayd”.
“Labada Kursi ee guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Ku xigeenka Maayirka Hargeysa na waa run oo labada kursi ba waxa la siiyey UCID, aniga na nasiibkayga ayaa I siiyey, Cirro ayaa ka shaqeeyey, adigaa ka shaqeeyey, raggii kale ee ina la Xisbiga ahaa ayaa ka shaqeeyey laakiin wax Xisbi la siiyey ayay ahayd ee may ahayn wax adiga lagu siiyey ood nooggu deeqday., Golaha Wakiiladu na sidaas si leeg buu ahaa oo KULMIYE iyo UCID baa ku heshiiyey, waana laga shaqeeyey adna dadkii ka shaqeeyey ayaad ka mid ahayd, KULMIYE ayaa ka shaqeeyey, wax intaas ka badan ood adigu u qabatay labaddaas kursi midna ma jiro, laakiin waxa aad guddoomiye u hayad UCID oo marna heshiiska la gashay KULMIYE marna UDUB. Markaa haddii aad muddo 10sanno ah aad ka hadhi wayday Cirro iyo Uurcadde ayaan wax ka dhigay, maanta ayaanu kula hadlaynaayee annagu waxa aanu muddo laba jeer ah aanu kaa dhignay Murashax Madaxweyne oo aanu intaas oo jeer ba kuu xidhnayn, daacadna kuugu ahayn oonu kugu la soo shaqeynaynay, laakiin siddii Madaxweynahu ku sheegay umadda UF ku tidhi anagu se kumaanan odhanee waanu ku sharaxnay abaalka intaa ka badan eed noo sheegan kartaa muxu yahay, annagu na Madaxweyne ayaanu kuu sharaxnay adigu na guddoomiye Baarlamaan iyo ku xigeen Maayir baad nooggu mano sheeganaysaa yee. Intaa wax ka badna oo kale halkee baanu ku gayn lahayn, Xisbigii baad nagu qabsatay oonu kaaga tagnay oo waxa aanu nidhi ninkaas yeynaan murmin, abaalka aad Somaliland u gashay eed Madaxweynenimo kaga doonaysaa ma basaasiddii aqoonyahanka reer Somaliland baa, waar haddii lagu saamaxay Illaahay ku mahadi.”.