“Dhinac waxa ka jira Dastuur Damaanad qaaday xorriyadda Warbaahinta, Dhinaca kalena waxa jira dhaqankii iyo shuruucdii uu ka tegay Taliskii Maxamed Siyaad Barre..” Xisbiga WADDANI Oo Ka Hadlay Mowqifkiisa Ku Aaddan Xorriyadda Warbaahinta Somaliland
Hargeysa 11.November 2016 (SDN/QJ):- Waxa Doraad Magaalada Hargeysa laga xusay Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Sannad kasta la qabto 9-ka bisha Noofambar, waxaana lagu soo bandhigay Doorka Saxaafaddu kaga jirto Horumarka Dadka iyo Dalkaba iyo weliba Caqabadaha ku xeeran.
Sidaasi darteed, ayaa Xisbiga WADDANI waxa uu saaray War-saxaafadeed uu kaga hadlay Mowqifka uu ka taagan yahay Xorriyadda Saxaafadda Somaliland iyo waxyaabaha u qorsheysan inuu dhanka Xorriyadda Warbaahinta ka qabto haddii uu qabto Talada Dalka.
War-murtiyeedkan oo uu ku saxeexan yahay ku-xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni), ayaa lagu sheegay in Xisbiga WADDANI uu mustaqbalka wax-weyn ka qaban doono baahiyaha kala duwan ee Saxaafadda, kuwaasi oo ay ugu weyn tahay Aqoontu.
War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan, “Dadka Jamhuuriyadda Somaliland waxay si baaxad wayn ugu codeeyeen aftidii loo qaaday sanadkii 2001-dii dastuurka JSL. Dhammaan shuruucda iyo siyaasadaha oo dhan waxa waajib ah inay hoos yimaaddaan oo ay waafaqsan yihiin dastuurka. Iyada oo xisbiga WADDANI uu u aqoosan yahay mabaadiida dastuuriga ah inay yihiin kuwo muhiim ah oo udub dhexaad ah, wuxuu halkan ku caddaynayaa mawqifka dawladda WADDANI ay ka yeelan doonto warbaahinta.
Tan iyo markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland, waxa jiray khilaaf ka dhexeeyay dawladihii kala duwanaa iyo warbaahinta soo koraysa ee dalka. Inkasta oo la qaaday talaabooyin isadaba joog ah oo looga gol lahaa in loogu maaro helo dhibaatada, hadana wax xal ah oo kama danbays ah lama gaadhin. Gal-daloolada u wayn ee dadaaladaasi ay lahaayeen waxay tahay inay ku guuldaraysteen inay waajahaan asalka dhibaatadu ka imanayso. Dhinac waxa ka jira dastuur si mug wayn u damaanad qaaday xorriyadda warbaahinta iyo xorriyadda hadalka guud ahaan. Dhinaca kalena waxa jira dhaqankii iyo shuruucdii uu ka tegay taliskii Maxamed Siyaad Barre oo weli lagu dhaqmo.
Isku dhaca ka dhexeeya mabaa’diida dastuuriga ah ee ku sallaysan halbeegyada dimuqraadiga ah ee caalamiga ah iyo isticmaalka la dhaqangelinayo xeerarka gaboobay waxay caqabad wayn ku yihiin horumarka warbaahinta. Suxufiyiin ayaa la xidhay marar badan, qaarna waxa lagu soo oogay dacwado ciqaab ah iyada oo la raacayo Xeerka Ciqaabta. Goobo warbaahineed ayaa la xidhay kuwo kalena muddo aan cayinayn ayaa la xayiray. Falalka caynkaasi ahi kuma aha oo keliya tacaddi xuquuqda iyo xorriyaadka suxufiyiinta, ee sidoo kale waxay waxyeelo u gaysteen sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee ah inay tahay dal ay ka jirto dimoqraadiyadi.
Xeerka Saxaafadda (Xeer Lr. 27/2004) ee hadda jira kama hadlo idaacadaha, telefiishanada iyo warbaahinta internetka ah (online media). Gaabiska caynkaas ah ee Xeerku leeyahay waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waa wayn ee jira. Inkasta oo dadka waxna qora waxna akhriyaa ay yar yihiin tiro ahaan, haddana Somaliland waxa ka jira hal idaacad oo ah Idaacadda Hargeysa (Radio Hargeisa). Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah in si dhamaystiran loo buuxiyo gal-daloolada sharci ee jira.
Waxa sidoo kale jira walaac aan la dafiri karin oo ku saabsan anshaxa iyo xirfadda qaar ka mid ah suxufiyiinta. Ma jirto hal jaamacad oo dhigta culuumta saxaafadda. Tabo-barrada muddo kooban ah ee ay bixiyaan hay’adaha qaar waxa ka batay baahida balaadhan ee ay keentay dhaqanka dimoqraadiga ah ee Somaliland. Intaas waxa dheer inaanay jirin habab qoran ama rasmi ah oo ciddii wax tirsanaysaa ay kaga caban karto suxufiyiinta.
Xisbiga WADDANI isaga oo ogsoon cakirnaanta arinka islamarkaana ay ka go’an tahay in loo helo xal waara, siyaasadda xisbiga WADDANI waa in loo waajaho arimahan hanaan sal balaadhan oo wax lagaga qabto caqabadaha kor ku xusan. Sidaas darteed, dawladda WADDANI, marka la doorto, waxay qaadi doontaa talaaboyin ku habboon oo xal lagu gaadho. Kuwaas oo lagu sallayn doono hanaan wada tashi loo dhan yahay oo daah-furan ah oo ay ka wada qayb qaataan dhammaan daneeyayaashu; warbaahinta iyo suxufiyiinta, aqoonyahanka, dadka u dooda xuquuqda suxufiyiinta, bulshada rayidka ah, ganacsatada reer Somaliland, dadwaynaha iyo daneeyayaasha caalamiga ah iyo sidoo kale laamaha dawladda. Sida hore loogaga dhawaaqay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI yeeshay 19-21 October 2016, isla-markaana lagu caddeeyey Barnaamijka Xisbiga, WADDANI wuxuu go’aansaday in ciqaabta laga daayo dacwadaha warbaahinta oo lagu dhaqo xeerka madaniga ah. Iyada oo laga duulayo hanaanka wada tashiga, WADDANI wuxuu dooonayaa inuu dejiyo Xeerka War-baahinta (Media Law) oo dhamaystiran oo ay ku jiraan dhammaan arimaha muhiimka u ah warbaahinta oo ay ka mid yihiin hanaan lagu caban karo iyo inuu casriyeeyo bixinta aqoonsiyada (certifications).
Dawladda WADDANI waxaay wada shaqayn la yeelan doontaa jaamacadaha dalka si loo abuuro qaybo lagu barto culuumta saxaafadda (journalism faculties). Dawladdu waxay taageero siin doontaa abuurista qaybahaas, waxaayna dhiirigelin doontaa qaadhaan gudaha ah iyo mid debedeed isla-markaana waxay u fidinaysaa gacan qabasho buuxda si ay u guulaystaan. Iyada oo maanka lagu hayo caqabadaha dhaqaale ee suxufiyiin iyo warbaahin badan haysta, dawladda WADDANI waxay la shaqayn doontaa dhammaan daneeyayaaha si loo bixiyo deeqo waxbarasho oo loo tartamay oo la siiyo suxufiyiinta shaqeeya ee aan iska bixin karin lacagta jaamacadaha (university fees).”