Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde oo Hadal ka soo yeedhay Muuse Biixi ku tilmaamay mid Masuuliyad-darro ah
Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa si duur-xul ah masuuliyadda rabshado ka dhacday Garoonka Kubbadda Cagta Hargeysa Stadium ee magaalada Hargeysa ugu eedeeyey Rag uu tilmaamay kuwo doonaya inay talada dalka qabtaan ama waddanka hoggaamiyaan. Hase-yeeshee, Guddooomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa jawaab ka bixiyey hadalkaas.
Muuse Biixi waxa uu sidaa ku sheegay mar uu ka hadlayey Xaflad loogu qabtay Hargeysa Taageerayaal Xisbiga Kulmiye ku biiray, waxaanu yidhi; “Arrintii ka dhacday Garoonka kubadda ee Hargeysa dar Ilaahay haddii aynu is naqaanno xaafadda Axmed Dhagax arrintaa ma gaydo, waayo waa xaafaddii ciidankeeda loogu hor qarameeyey ee aasaaska nabadda Somaliland kow ka ahayd, suldaankii ugu horreeyey dalka nabaddiisa ee ilaalinayey oo ah Suldaan Maxamed Faarax waa xaafaddiisii.”
“Magaca mujaahid Axmed Dhagax ee xaafadda oo ah ninkii markii Hargeysa la soo galay ee xaaladdu adkaatay yidhi ‘waa lagu jirayaa Hargeysa oo korkeeda ayaa lagu noolaanayaa ama waa lagu dhimanayaa ee lama baxayo.’ Markaa waxaan hubaa in xaafadda lagu soo dhex dhuuntay, waxaanse is waydiinayaa ninka maanta ciyaaraha fidmada ka dhex tuuraya ee laga yaabo inuu qaranka hoggaamin ka doonayo talow xaggee buu inoo wadaa.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa jagada Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.
Balse, Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Saxaafadda qaar ka tirsan xalay kula hadlay Hargeysa, ayaa hadalkaas Muuse Biixi ku tilmaamay mid masuuliyad-darro ah, waxaanu yidhi; “Waxaan maqlaayay Guddoomiyaha KULMIYE oo leh dad dalkan inay hoggaamiyaan wax ka doonaya ayaa ka qaybqaatay arrintan oo abaabulay. Hadalkaasina hadal masuuliyad-darro ah weeye, in wax la dejiyo ayaa loo baahanyahay ee in wax la kiciyo looma baahna. Dhibaatada soo gaadhay Ciidammadeenna iyo Muwaaddiniinteennaba in cod lagu doonto oo lagu kaambayn gareeyo waa xaaraan, taasna waxaan u sheegayaa inay Siyaasiyiintu ka digtoonaadaan oo Qarannimadeenna iyo sumcadeenna wax u dhimaysa.”
“Anigu u qiil samayn maayo rabshadaha iyo dhibaatada dhacday, oo dhallinyarada waxa mar walba laga rabaa inay ciidamada amniga la shaqeeyaan oo ixtiraamaan oo ay u hoggaasamaan awaamiirtooda. Laakiin waa bini-aadam oo marka la xanuujiyo iyana way gadoodayaan. Waxaanan ku talin lahaa in loo saaro guddi baadhitaan oo xaqiiqada dhabta ah soo ogaata si wax looga barto hadhoow oo aanay taasi mar dambe garoomadeena ka dhicin waa in la saaro guddigaas oo ay hoggaaminayso wasaaradda ciyaaraha, ururada bulshada iyo dawladda hoose ee Hargeysa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Waddani Cabdiqaadir Jirde, waxaanu tilmaaay inuu ka xun yahay sida wax u dhaceen iyo in dhibaato soo gaadho Dad Shacab ah iyo weliba Askar Booliska ka tirsan.