|

Duni Waji Cusub Yeelatay Waa Saameynta iyo Isbadalada Siyaasadeed ee laga Filayo Madaxweynaha Cusub ee Maraykanka

Hargaysa 10. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha Cusub ee loo doortay Aqalka cad ee Maraykanka ayaa la sheegayaa inuu waji cusub u sameynayo siyaasadii Maraykanka ee ku aadanayd caalamka.

trump-hillary-clinton-reuters-640x480-640x480Dadka siyaasada caalamka falanqeeya ayaa sheegaya in Donald Trump uu wax wayn ka badali doono siyaasada Maraykanka ee dalalka Caalamka iyo dunida muslimka.

Maanta waxay la mid tahay markii uu suuqa ka baxay midowgii Suufiyeedka ee Ruushku hogaaminayay, wixii markaas ka dambaysay siyaasadda caalamka waxaa hor boodayay Maraykanka oo aaminsanaa inuu yahay awoodda kaliya ee wax muquunin karta, awoodda kaliya ee caalamka jihayn karta.

Doorashada  ka dhacday maraykanka waxay fursad siinaysaa dawladaha Ruushka iyo Shiinaha oo sanado badan ku mashquulsanaa arrimaha gudaha laakiin hadda u soo jeestay arrimaha caalamiga ah iyo sidii ay waddamada kale saamayn ugu yeelan lahaayeen.

Madaxwaynaha cusub ee Maraynkanka siyaasadiisu waxay ku fooradhaa arrimaha gudaha, wuxuu booska ka saaray saaxiibo badan oo Maraykanku uu lahaa oo ay uu ugu horreeyo Isbahaysiga NATO oo mar uu ololaha ku jiray sheegay in dal kasta awooddiisa iyo dhaqaalaha uu NATO galiyo ay ku xidhan tahay heerka uu maraykanku caawinayo.

Donald, Madaxwaynaha cusub ee Maraykanku waxa uu cadaawad la samaystay wadamada Islaamka oo badankood ah awood dhaqaale oo caalamka saamayn ku leh iyo wadamo badan oo ku yaalla Yurub iyo Aasiya, waxaana tusaale u ah isbadalka qiimaha sarrifka ee suuqyada caalamka ku yimid saaka ku dhawaaqiddii doorashada ka hor maxaa yeelay ganacsato badani waxay ka walwal qabeen maalgashi inay sameeyaan.

Ruushka iyo Maraykanka, Maraykanka iyo Shiinaha, Yurub iyo Maraykan waxaa intaba ka dhaxeeya tartan sidii caalamka saamayn loogu kala yeelan lahaa Sida Waxaa Falanqayntan Ku Sheegay Weriye Mahad Jamac Koronto oo (Culuumta xidhiidhka caalamiga ah ka barta Jaamacada Abaarso Tech) Isla markaana ah Tababare Sare oo dhinaca Saxaafada ah,Fadhigiisuna Yahay Caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Falanqayntu Waxay u ambo baxday Cilaaqaadka Donald Trump ee Dalka Colaada Guunka ahi ka dhaxayso Maraykanka Waxayna Tidhi ”Mida kale Siyaasad Saaxiibtinimo ayaa u bilaabantay waddamada Ruusha iyo Maraykanka taasi oo ay cadeyn u tahay dhambaalka Hambalyada ah ee Madaxwaynaha Ruushku u diray Donald Trumo.

Ruushku waxaa uu sheegay in ay rajeynayaan wada hadal dhex mara Waddama Ruushka iyo Maraykanka kuwaasi oo Rubuc qarnigii u dambeeyay ku xafiltamayay siyaasada caalamka.

mahad-jaamac-korontoSource Weriye Iyo Tababare Saxaafadeed Mahad Jaamac Koronto

Comments are closed