|

Khudbadii u Horaysay ee Madaxweynaha Cusub ee Maraykanku u Jeediyey Shacabka Maraykanka & Isbedelka Durba Ku Yimid Qaabkii uu Hadli Jiray DAAWO

New York 10. November 2016 (SDN/QJ):- Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaadhay doorashooyinkii ka dhacay Dalka Maraykanka.
donald TrumpTrump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan doonto.
‘’Haatan Waa Wakhtigii Dadka Maraykanku dib u Dawoobi lahaayeen ugana Soo Kaban Lahaayeen Boogaha qaybsanaanta keenay,Waa inaynu isu nimaadnaa dhamaan Xisbiyada Jamhuuriga,Dimuquraadiga iyo Independent Waxaynu haysanaa Wakhtigii aynu isu iman lahayn inagoo hal dad ah’’ ayuu Yidhi Madaxweynaha la doortay.
Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump Waxa kale oo uu Cadeeyay in Murashixii Xisbiga Dimuquraadiga Hillery Clinton ay la soo Hadashay una Hambalyaysay ‘’Waxaa ila soo hadashay Hillery Clinton oo igu hambalyaysay guusha doorashada,Waa Guusheenee Waxaan Xoghaye Clinton iyada iyo Qoyskeeda ku Hambalyeeyay Dagaalkeedii adkaa ee ololaha doorashada”

Comments are closed