Xuska Dharaarta Saxaafada Somaliland 9 November & Shir Maanta la Soo Gabo Gabayn doono oo Magaalada Hargaysa Uga Socday Suxufiyiinta Somaliland DAAWO
Hargaysa 09. November 2016 (SDN/QJ):-Shir laba maalmood Soconaya ayaa magaalada Hargeysa uga Furmay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Haayada Caalami ah.
Shirka waxaa lagaga hadli doonaa dhibaatooyinka Saxaafada Somaliland, tababarka Suxufiyiinta iyo baahiyaha kale ee ay qabto saxaafada Somaliland.
Waxaa shirka kasoo qaybgalay masuuliyiin ka socda haayado caalami ah, madaxda ururka SOLJA, Masuuliyiinta wasaarada Warfaafinta iyo suxufiyiinta Somaliland oo halkaasi isku dhaafsanaya Fikradaha warbaahinta ee Somaliland.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Maxmuud Cabdi Jaamac oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa haayadaha caalamiga iyo laamaha dawlada ka codsaday in Xarun lagu tababaro suxufiyiinta loo dhiso ururkaasi.