|

Shirwaynihii Aan Caadiga Ahayn Ee Xisbiga UCID & Go’aanadii Ka Soo Baxay ee Daaqada Lagaga Saaray Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkiisii & Saaka oo Gudoomiye Faysal Mar 3aad Loo Cumaamadayo Murashax Madaxweyne 

Hargaysa 09. November 2016  (SDN/QJ):Shirwaynihii aan caadiga ahayn ee Xisbiga UCID ayaa Shalay ka furmay Magaalada Hargaysa, waxaana ka soo qeyb galay Ergooyin isaga kala yimid Gobolada Dalka, Xubnaha Golaha Dhexe, Hogaanka Xisbiga UCID, Masuuliyiin kale oo ka socday axsaabta iyo marti sharaf kale .

14962571_681133658726073_7111404636267872407_nWaxaa halkaasi khudbado ka jeediyay Gudoomiyayaasha Lixda Gobol Ee Xisbiga UCID, Waxaanay dhamaantood cabbireen dareenkooda ku aadan Shirwaynahan, iyagoo tilmaamay in Shirwaynahani soo af jari doono khilaafkii muddada soo socday .

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad Ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu bogaadiyay Xisbiga UCID, isagoo amaan balaadhan dusha u saaray Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa halkaasi ka jeediyay Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysaa, isagoo si qoto dheer-na uga warramay maraaxilkii kala duwanaa ee xisbigu soo maray .

Ugu danbeen Go’aamadan ku xusan hoos ayaa Shirwaynahan laga soo saaray .

14962733_681135408725898_8412303852997192606_nGo’aamadii ka soo baxay Shirwaynihi aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID .

Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 8/11/2016, waxaa soo gabogabeesmay Shirwaynihii Aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID .

Waxaa ka soo baxay oo lagu go’aamiyay qodobada hoos ku xusan .

1: Shirwaynuhu Wuxuu laalay, heshiiskii qabyada ahaa ee Garabkii Xisbiga UDUB uu la galay Xisbiga UCID, Taariikhdu markay ahayd, 12/7/2012 .

2: Waxaa lagu ansixiyay, wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Xisbiga UCID .

3 : Shirwaynuhu wuxuu go’aamiyay in dib loo dhigo Shirwaynihii Afraad Ee Xisbiga UCID, kaas oo ku muddaysnaa In la qabto Bisha January 2017, Waxaana shirwaynuhu go’aamiyay in Muddo hal sanno ah, dib loo dhigo, oo qabsoomi doonta, January 2018 .

4: Wuxuu shirwaynuhu awood buuxda u siiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, in uu buuxiyo xubnaha ka banana Xisbiga UCID, inta la gaadhayo Shirwaynaha afraad ee Xisbiga UCID .

5: Waxaa kale oo uu shirwaynuhu go’aamiyay, in la balaadhiyo xubnaha Golaha Dhexe, oo laga dhigo 251 Xubnood, halka uu markii hore ka haa 181.

 

14956033_1132432370168716_5468651985402454189_nDhinaca Kale Waxaa Saaka loo Balansan Yahay Sidii Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Mar Sadexaad Loogu dooran lahaa Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Isagoo Shirkan kadib soo Magacaaban doona Murashaxa Jagada Madaxweyne Xigeen.

Si kastaba ha ahaate Gudoomiye Faysal ayaa noqonaya Gudoomiye Xisbi oo 3 Jeer u orda Xilka Madaxweynenimo ee Somaliland.

Comments are closed