Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Xisbiga Waddani Oo Xukuumadda Ku Canaantay Wakhtiyada Xeedho Iyo Fandhaal Kala Dhacaan Ee Ay Abaaraha Ka Jawaabto
Hargaysa 09. November 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga WADDANI Md. Maxamed Siddiiq Dhamme ayaa xukuumadda ku canaantay wakhtiga ay ka jawaabto gurmadka abaaraha soo noqnoqda ee dalkeena ku habsaday isaga oo dhinaca kalena bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay iska kaashadaan gurmad degdeg ah oo lala gaado dadkeena abaaruhu saameeyeen ee Gobolada Bari.
Aqoonyahan Maxamed Siddiiq Dhamme oo qoraal kooban arrintan ka soo saaray oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Qurbejoog ayaa u dhignaa sidan:
“Xukuumaddu markasta oo Abaari qaraxdo waxay dhawaaqdaa goor duunyadii idlaatay oo dadkii naf la caarid yihiin, taladeeduna waa baaqa Saalad Roob doona in la tukado tabaabushe iyo taakule meel u yaal Alla bariga waajibka innagu ah aan ahayni ma jiro.
Masuuliyaddu inay marka hore fartaa habboon qorshaha abaaraha lagula tacaalayo balse markastoo abaari dhacdo aan qaylada koobaad iyo gurmada ay hayaan noqon qayldhaanta shacabka. Shacabka mudani abaartii galbeedka si xilkasnimo leh ayay u qaateen doorkooda maantana way qaadanayaan kaalintooda oo waa diranayaal dareenku hagaayo xukuumadduse waa dhoohan dhaqaale urursi iyo dheef raadis innala dhex joogta.
Bulshadu waxay idiinka fadhidaa xisaab celinta taakuladii kal hore inaad keentaan oo lasoo hor dhigo baaqiga iyo qarashkii ku baxay abaartii galbeedka si abaartan barigana loogu dhiirado oo laysu aamino. Abaarta hadda ka taagan barigu maaha aafo dabiiciya oo maalin qudha qaraxday waase mid soo jiitamaysay oo dareenkeeda iyo dadaalkeeda loo baahana. Abaaraha baahsan ee ku habsaday gobollada bari masiib duco keliya u baahan maaha waxayse u baahan yihiin qorshe qaran oo habaysan.
Sida reer magaalku malaynayaan xaaladda abaartu way ka culustahay haddaan Raxmadda Eebbe hoorin sida arrin yahay xaalku wuu ka cuslaanayaa, waxa loo baahanyahay qorshe mustaqbal iyo mid maanta ah oo laga yeesho abaarta. Dayaacadda koowaad iyo damiir xumada waxa leh xukuumadda masuuliyadda ummaddu saarantahay ee ka seexatay diyaarinta kayd abaaraha loogu gurmado shaqadeeduna ku koobantahay xoolo urursi iyo musuqa la xalaalaystay. Muddo xileedkii Kulmiye qaranka hagaayay waxa dalka soo maray abaaro baahsan iyo xaaluf ummaddeed.
Xukuumadda masuuliyadda gurmadku iyadu saaran yahay oo haysa cashuurtii iyo cuudkii ummada, Xisbiyadana waxa waajib ku ah baraarug iyo abaabul qaran oo wata taakulo qaadhan laga ururiyo bulshada. Waxan ugu baaqayaa dhammaan dhallinyarada Xisbiga WADDANI gude iyo dibad inay si naf-hurnimo leh uga qayb-galaan gurmadka abaaraha baahsan ee ku habsaday gobollada bari. Inay libin laabaan dadaalkii iyo gurmadkii abaartii galbeedka ay ka gaysteen oo lasoo dedejiyo kaalmada lagu garab istaagayo walaalaheenna tabaalaysan ee ay ku habsatay abaarta darani”. ayuu qoraalkiisa ku soo gabogabeeyey.