|

Nuxurka Kullan Xalay Magaalada Addis Ababa Ku Dhexmaray Musharax Madaxweyne Ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro Iyo Hogaaminaha Kooxda Khaatumo Prof Galaydh SAWIRO

Addis Ababa 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):-Kullan-kan ay wadda yeesheen  guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali khaliif Galaydh,ayaa  habeenkii xalay ahaa ka qabsoomay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya,kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad.

Musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxa ku weheliyey dhankiisa kullankaasi Wasiirkii hore ee arimaha debada Somaliland  Maxamed Biixi Yoonis  iyo ex Wasiir C/rasaaq Khaliif,halka ay dhanka maamulka Khaatumo-na ka socdeen Dr Cali Khaliif galaydh,Dr. Cali Ciise Cabdi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Labada dhinaca ayaa is xaal waraysin dheer kadib hoos ugu daadegay ujeedada kullan-kooda,waxaanay ugu horrayn ka wada haddlay sidii looga shaqayn lahaa midaynta Somaliland,adkayn amaanka, iyo sidii dhan looga  soo wada jeedi lahaa wax kasta oo khal-khal gelinayaa amaanka,waxaana xusid mudan in ay isla afgarteen labada dhinac in xalka iyo tabashada beelaha  Sool Sanaag iyo Cayn lagu dhameeyo wadda haddal.

 

Dhana kalena musharax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cirro oo halkaasi ka haddlay ayaa wacad ku maray  in reer Sool,  Sanaag, Cayn iyo beelaha kale ee reer Somaliland-ba ay xaqooda oo dhammaystiran ka helayaan dowladiisa,waxaanu hoosta ka xariiqay in aanu dhacay dulmi iyo sad –buursi dhanka beelaha,haddii alle qadaro.

Sidoo kalena wefti uu hoggaaminaye Cali khaliif oo halkaasi ka haddlay ay ka haddlay qiimaha amaanka,iyagoo haddalkii musharax cirro ku soo dhaweeyey farxad iyo qalbi furan,isla markaana si weyn ugu riyaaqay.

Gunaanadkii musharax Madaxweyne ee xisbi mucaaradka WADDANI C./raxmaan Cirro ayaa geed dheer iyo ku gaaban-ba u fuulay  mid-nimada Somaliland,waxaanay arintaani markhaati cad u tahay sida ay guddoomiye cirro ugu go’antahay mid-nimad Somaliland,waxaana xusid mudan inuu  kullan-kan ay wadda yeeshaan Madaxweynaha maamulka khaatumo Cali khaliif iyo musharax Madaxweyne ee xisbi mucaaradka WADDANI C./raxmaan Cirro uu noqonayo kii ugu horreeyay,isagoo ku soo dhammaaday is afgarad,balse waxaa loo ballanmay kullamo kale.

14940248_10210818520249770_67731832233070658_o 14991948_10210818521449800_5261479466420132646_n 14993359_10210818521009789_7630022653041932605_n-1 14993359_10210818521009789_7630022653041932605_n

Comments are closed