Doorkii uu ka soo qaatay Horumarka Ciyaaraha Iyo Talooyinka uu Maantana Xasan Waraabe Cade u Jeedinayo Xukuumada iyo Xisbiyada Siyaasada
Hargaysa 07.November 2016 (SDN/QJ):- Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) Waxa uu ka Mid yahay Shakhsiyaadka Doorka fiican ka qaatay Horumarinta Ciyaaraha Somaliland Wuxuu degan yahay Dalka Norway Hasa yeeshee Si Joogto ah ayuu u Yimaadaa Somaliland Isagoo aqoontiisa uga faa’iideeya dhallinta ku hawlan Ciyaaraha,Waxaa kale oo uu Xasan Xilal ka soo qabtay Xidhiidhka Ciyaaraha ee Somaliland.
Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) ayaa Markii Kowaad Waxa uu si Faahfaahsan uga hadlay Sooyaalkiisii Nololeed, Marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku Muujiyey Waxyaabihii uu Bulshada dhexdeeda ka soo qabtay.
Xasan Waraabe Cade Wuxuu ka mid yahay ah Shakhsiyaadka loo soo Xushay inay ka Mid yihiin Haldoorka Saamaynta ku dhex leh Bulshadiisa Isagoo arrimahan iyo Kuwo kaleba kaga Warbixiyey Waraysi Dhinacyo badan leh oo uu Siiyay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.
Ugu Horayn Xasan Waraabe Cade Wuxuu ka hadlay Xiligii uu dhashay iyo Goobtii uu ku dhashay iyo Meelihii uu ku soo barbaaray Isagoo Yidhi “ Waxaan dhashay Miyiga Magaalada Hargaysa Waqooyigeeda Sannad ahaan Waxaa la ii sheegay inaan dhashay 1958-dii,Berigii Somaliland iyo Somalia Midoobeen ayaa aabo Shaqo ka helay Magaalada Xamar Gaar ahaan Iskuulkii lagu barbarian Jiray Macalimiinta Markaas aniga iyo qoyskayagiiba waxaan u guurnay Xamar halkaas oo aan Nolol dheer ku soo qaatay’’
Xasan Waraabe Cade oo la weydiiyey doorka uu ka qaato ilaa hada Horumarinta Ciyaaraha ayaa yidhi ‘’Waxaan Weligay Xiisayn Jiray Ciyaaraha Kubada Cagta,Kolayga iyo Orodada Waxaan ku bilaabay Iskuulkii aan Markaas dhigan jiray ee 21 October Waxaan isku dayay sidii Kooxaha waaweyn ee Ciyaaraha aan uga qayb geli lahaa,Wuxuu ahaa Higsi Markii aan ka fadhiistayna Waxaan Is idhi aqoontaada iyo Khibradaada da’yarta uga faa’iidee’’
Xasan oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ‘’1992kii ayaa igu horaysay inaan Hargaysa ku soo noqdo Nolosha oo dhami way adkayd Waxaan is weydiiyey Waar Maxaad ka qaban Kartaa? Waxay noqotay inaan ka Bilaabo in Caruurta yar yar ee Kubada rabta inaan Kubado Siiyo Xafiis kasta oo aan Maanta galo waxaa igaga soo baxa Wiil ka mid ah Caruurtii aan Kubada siiyay taasi farxad weyn ayay I gelisaa,Ujeedada aan ka lahaa waxay ahayd Sidii aan Sportiga uga dhigi lahaa Meesha laga bedelo wacyiga dhallinta Markasta oo aan imanayo Somaliland waxaan qalab Sport u soo qaadi jiray Kooxaha Ciyaaraha ee dalka ka dhisan,Hawshaasna weli waan wadaa, Waxtar Fiicanina wuu iiga soo baxay’’
Xasan Waraabe Cade oo La Weydiiyey Waxyaabaha uu Higsanayo ee dhanka Ciyaaraha ah ayaa waxa uu Yidhi ‘’Walaahi Waxaan Higsanayaa in Sportiga Somaliland uu ka Gudbo Marxalada uu Maanta uu Marayo ,Marxalada aan doonayo inuu u Gudbana waxay tahay in Sportiga aan laga abuurin Magaalo qudha,oo Kooxuhu ay Noqdaan Magaalo Qudha, oo Xidhiidhadu ay noqdaan Magaalo qudha Balse aan rabo in la sameeyo Maamul daadejin, oo Gobol kastaa yeesho Xidhiidhadiisa,Naadiyadiisa, Gobol kastaa uu leeyahay Gudiyadiisa Sportiga oo dhisan Qarankuna uu Leeyahay Xidhiidhkii Guud ee Ciyaaraha.
Xasan Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) Waxa uu Sheegay inaan Xukuumad kasta oo Timaada aanay Kaalintii Sportigu lahaa siin, Wuxuuna u Soo Jeediyey Dawlada inay Il gaar ah ku eegto Sidii ay u Kobcin lahayd Ciyaaraha oo fududaynaya Is dhex galka Bulshada,Isla markaana keenaya in Ciyaaraha laga helo dhaqaale qarankan wax weyn ka tari kara.
Waxaa kale oo uu Xisbiyada Qaranka u soo Jeediyey inay Qorshahooda ku darsadaan Sidii ay u dhiirigelin lahaayeen Ciyaaraha maadaama uu dhalinayo dhallin ka fayow Balwadaha,Qabyaalad, iyo Wax kasta oo Wiiqi kara Nolosha Dhallinyarada Somaliland.
Xasan waxa uu Sheegay inuu ahaa Shakhsigii bilaabay Garoomadan yar yar ee Casriga ah Kaas oo aan ku bilaabay ayuu yidhi Sidii Garoonka Hargaysa Stadium looga dhigi lahaa in Roog la dhigo hasa yeeshee markii ay ku adkaatay uu u bedelay Garoomada yar yar ee Maanta aadka ugu soo kordhaya Magaalada Hargaysa Iyo Magaalooyin kale oo dalka ah,Taasina waxay Keentay ayuu yidhi in Garoonkii weynaa ee Hargaysa iyo Kuwa Magaalooyinka dalka la dhigo Roogag Isla markaana uu dareemayo farxad aad u balaadhan.