Ololaha Doorashada Maraykanka Oo Sii Adkaanaya,Xafiltanka Trump & Hillary Clinton & Joojinta Khudbadii Donald Trump Iyo Cabsi Gelinta Ilaaladiisa DAAWO
Washington 07. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa wada soo afjaridda ololaha doorashada, iyagoo marba gobol u duulaya.
Aftidii ugu dambeysay ee la qaaday ayaa waxay muujineysaa in Hillary Clinton ay weli hogaamineyso tartanka, laakiin aad bay isugu dhow yihiin labada Musharrax.
Clinton Waxay beddeshay jadwalkeeda ay ku booqan lahayd meelo la filayay laba Toddobaad ka hor inay iyada u codeeyaan.
Weriye ka tirsan BBC-da wuxuu sheegay in hadda labada dhinacba ay ku loolamayaan sidii ay codad badan uga heli lahaayeen gobollada tartanka uu ka socdo.
Hillary Clinton ayaa ka qeybgashay xaflad uu qabtay fanaanka Jay-Z oo ka dhacday Ohio.
Waxay dooneysaa in dadka Asalkoodu Afrikaanka yahay ay si weyn uga qeybgalaan doorashada.
Geesta Kale Murashaxa madaxweyne-nimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ayaa sheegey in uu tegi doono labada maalmood ee soo socda Gobolo uu ugu yeedhay xarumaha xisbiga demucradiga ah si uu dadweynaha goboladaa ugu qanciyo inay isaga u codeeyaan
Gobolada Donald Trump uu tegi doona ayaa waxa ka mid ah Gobolada Pennsylvania ,Michigan iyo Minnesota Goboladaasi oo aanu marnaba xisbiga Jamhuuriga ahi marna ku guuleysan tan iyo 1972-kii.
Mr,Trump ayaa ilaaladiisu ay la carareen isagoo khudbad ka jeedinayey magaalo ku taalla gobolka Nevada. Dareen dhinaca amnigiisa ah la xidhiidha awgeed.
Ciidankii amnigiisa ilaalinayey ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen in qof ka mid ahaa dadkii halkaa joogay uu qori haystay.
Hase ahaatee Mr,Trump uu markii danbe halkaasi ku soo noqdey khudbadiisiina uu dhamays tirey,ka dib markii dadkii halkaa isugu yimi laga soo dhex qabtey nin cadaan oo looga shakiyey in kasta oo markii la qabtey ninkaasi aanu wax hub ah sidan sidey sheegeen ciidanka amaanku.
Illaa Jimcihii, 37 milyan oo cod ayay dhiibteen Dadka sii codeeya Doorashada ka hor, codadkaasina waxay ku dhow yihiin kuwii 2012kii. Balse, dadka Afrikaanka ah codad kooda ayaa weli aad u hooseeya, waxaana la sheegayaa in dadka Latin Amerika ka soo jeeda ay si weyn u codeeyeen.
Doorashada Maraykanka ayaa dhacaysa beri oo Salaasa ah Taariikhduna Tahay 8-da Bishan Noofambar.