ITOOBIYA: Xisbiga Dimuqraadiga Somalida Itoobiya oo Dib u Doortay Gudoonkoodii
Qabri-Dahar 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Dimuqraadiga soomaalida itoobiya (ESPDP) oo soo gebagebeeyey shirweynahiisii Sagaalaad oo muddo sadex maalmood ah ka socday magaalada Qabridahar ayaa dib u doortay Gudoomiyahoodii Mohammed-Rashid Yeshak, halka ku xigeena dib loogu doortay Cabdi Maxamuud, waxana ay xilka hayn doonaan mudada labada sano iyo badhka ah ee soo socota.
Shirka oo soo dhamaaday goor dambe oo maalintii doraad ee Jimcaha ahayd waxaa kaloo lagu doortay xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga oo dhan 47 xubnood iyo 15-ka xubnood ee gudiga fulinta.
Doorashadu waxay 4 xubnood oo cusub ku soo dartay gudiga fulinta, kuwaas oo kala ah Faaduma Cabdullahi Cabdimahad Maxammed, Cabdurahman Mohammed iyo Mohammed Abdi.
Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga ESPDP Abdi maxamuud oo munaasabadii gebagebada ka hadlay waxa uu sheegay in wejigan cusub ee xisbigu galay ay noqon doonto mid ahmiyada la siin doono helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan dadka iyo xoolaha iyo sidii loo soo balaadhin lahaa adeegyada caafimaadka guud, waxbarashada iyo dhismaha Waddoooyinka oo ay soo raacaan kobcinta soo saarka xoolaha nool iyo dhiirrigelinta wax beerashada si loo helo cunto ammaan ah oo ku filan dadka.
Sida la ogyahay Xisbiga Dimuqraadiga Soomaalida Itoobiya waxa uu ka kooban yahay shan urur siyaasadeed oo is baahaystay, mana aha xisbigu mid ka mid ah axsaabta xulafada ah ee ku bahowday Xisbiga talada itoobiya haya xiligan ee EPRDF .