|

Waa Kuma Musharraxa Ay Dawladda Maraykanku La Doonayso Inuu Dalka Soomaaliya Madaxweyne Ka Noqdo?

Muqdisho 06.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka, ayaa laga soo xigtay in Maraykanku si gaar ah u taageerayo mid ka mid ah Musharrixiinta u ordaya doorashada Madaxtinnimada Federaalka Soomaaliya.

Masuulkan ka tirsan dawladda Maraykanka ee warkan laga soo xigtay oo ka gaabsaday in Magiciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in xilligan ay taageerayaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, isla markaana xilka ku wareejiyey Madaxweynaha hadda Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadii 2012-kii kaga guulaystay.

murashax-somaliSababta arrintan ayuu Sarkaalkani ku sheegay in Sheekh Shariif uu yahay shaqsiga Soomaaliya wejiga cusub ee ay gashay keenay, dibna u soo celiyey rejadii Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Sarkaalkan ayaa sheegay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu yahay Nin ay ka go’an tahay la-dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana yahay shaqsi wax badan Soomaaliya ka qabtay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ka mid ah Musharraxiinta u taagan wakhtigan xilka Madaxweynennimo ee Soomaaliya. Waxa uu hore Sheekh Shariif u soo noqday Madaxweyne, isagoo hadda dalal badan taageero ka haysta sida dadka ka faallooda Siyaasadda Soomaaliya iyo Warbaahinta qaarkeedba faafiyeen.

Comments are closed