|

Edmonton: Taageerayaal Miisaan leh oo Ka Soo Digo Rogtay Labada Xisbi Mucaarid oo Ku Biiray Xisbiga Kulmiye

Edmonton 05. Novembar 2016 (SDN/QJ):- Taageerayaal Cusub oo Ku Soo Biiray Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye Isla Markaana ka soo Digo rogtay Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid ayaa Lagu qabtay Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee Dalka Canada.

14961490_1137195223062248_630780460_nMunaasibad si Mug leh loo soo agaasimay ayaa Waxaa ka hadlay Xubno ku hadlayay Afka Taageerayaasha ku soo Biiray Xisbiga Kulmiye ee hore uga Mid ahaa Xisbiyada Waddani iyo Ucid Waxayna ka Xog warameen Sababaha ku dhaliyey inay ka soo baxaan labada Xisbi Mucaarid Isla markaana Taageero hor leh ugu Muujiyaan Xisbiga Kulmiye.

Sidoo Kale Madaxda Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee Dalka Canada ee Xisbiga Kulmiye ayaa Sheegay inay ku faraxsan Yihiin inay Xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyaan Taageerayaashan ka soo Digo rogtay Labada Xisbi Mucaarid ee Waddani Iyo Ucid.

Comments are closed