|

Jiilka Labo Kumaad ee Afrika Waxay bedelayaan Xeerarka Hawlgelinta By Lidudumalingani Mqombothi Waxaa Soo Koobay: Xuseen Kurdi

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Dhalinayarada yaryar ee Afrika ee ku soo beegmay sanadda labo kumaadku waxay tirada dadka Afrikaanka ka noqonayaan 30% kuwaasoo saamayn balaadhan ku yeelanaya arimaha siyaasada, dhaqaalaha, ganacsiga iyo guud ahaan dhinacyada kala duwan ee Qaaradda oo laga dareemayo joogitaankoda.

hablaha-africaShayga aynu maanta aragnaana waa in jiilka labo kumaad ee dhalinyarada Afrika ay qayb ka yihiin wadahadalada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee Qaaradda ka socda waana kuwo goobjoog u ah dhacdooyinka laakiin ma aha kuwo sugaya in la siiyo ogolaansho ay hawlaha jira kaga qayb qaataan waana kuwo wax kasta oo horumarka qayb ka ah ugu dhexjira si muuqata iyo si dadbanba, waxana jira shay iska cad oo ah in ciidanka labo kumaadka iyo tiknoolajiyadu ay yihiin kuwo isku lammaan.

Iyadoo muddo ka hor la aaminsanaa in dhalinyarada Labo kumaadku aanay waxba ahayn ayaa hada waxaa la ogaaday inay yihiin kuwa ugu badan ee daalacda baraha xidhiidhka bulshada , gaar ahaan ay dadka intooda kale kaga badan yihiin isticmaalka hash-Taga hadii aanay jiilakni jirina aan barahaa la siiyeen ahmiyadda maanta la siinayo taasoo ay dheer tahay jacaylka ay jiilkani u qabaan ka qayb qaadashada banaanbaxyada iyo rabitaankooda inay cududa dadweynaha isbedelkooda ku xaqiijiyaan.

Warbixin cusub oo ay soo saartay GSMA’s Ecosystem Accelerator waxa lagu sheegay in barnaamijka sahlaya iskaashiga u dhexeeya dhaqaajiyayaasha qaaradda iyo horumariyayaasheedu laga daahqaaday in 300 xarumo tiknoolajiyada ahi ka shaqaynayaan illaa 93 magaalo oo ku kala yaalla 42 wadan oo Afrika ka tirsan, tiradaas oo kalabadh ay ku yaalaan Dalalka kala ah Koonfur Africa, Masar, Kenya, Nigeria  Morocco. Habeen iyo maalina laga helo dhalinyarada labo kumaadka oo ku shaqaysanaya Tiknoolajiyadaasi.

Si Kastaba ha ahaatee Jiilkan oo ah kuwo saamayn joogto ah ku leh arimaha siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga, dhaqanka iyo arimaha bulshada waxay suurogeliyeen inay bedeleen xeerarkii dhanka xidhiidhka iyagoo xiliga casriga ahna la qabsaday.

Comments are closed