|

‘’Maxaabbiis Ajnebi ah’’ Waa sheeko kooban oo taariikh ah Waxaa soo Tebinaya Yuusuf Garaad

Muqdisho 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Sannadkii 1988 ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa ay isu celiyeen  Maxaabbiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii dhacay 1977. Maxaabbiistaas intooda badani waxay xirnaayeen toban sano ama ka badan.

xabsiga-muqdishoHowlo badan oo Maxaabbiista labada dhinac ku saabsan oo ay ka mid tahay wargelinta kuwa Soomaalida ah ee ehelkooda iyo kala beddelashadu waa mid aan ka qeyb qaatay.

Waxaan safarro arrintaa ku saabsan ku tegey Gobollada dalka badankood iyo weliba magaalada Dire Dawa, aniga oo ka mid ah samafalayaasha hey’adda ICRC.

 

Xilli kale ayaan wax ka qori doonaa mowduucaas.

 

Hadda Qormadani waxay ku kooban tahay arrin aan kula kulannay xabsiga Muqdisho inta aan howlaha maxaabbiista ku jirnay.

 

Maxaabbiista Ethiopia ka sokow, waxaa xabsiga Muqdisho ku jiray maxaabbiis kale oo iyaguna ajnebi ah, aan isku dhalasho ahayn tiradooduna ay toban ku dhowaad tahay.

 

Morocco iyo Congo

 

Waxaan aragnay nin u dhashay dalka Morocco oo lix sano ku xiran xabsiga. Wuxuu noo sheegay in markab Badweynta maraya ay niman ka soo tuureen. Ka dibna uu soo dabaashay oo ilaaheey soo badbaadiyey.

 

Sida uu ku doodayo markii isaga oo kaba la’, feera qaawan, wada qoyan, gaajo iyo dhaxan u dhiman raba uu xeebta soo gaaray oo ay naftiisuba halis gashay ayaa askartii igu soo baxday waxay i weydiiyeen ayuu yiri visa ama dal-ku gal.

Markii aan xaaladdeyda u sheegeyna waxay igu eedeeyeen ayuu yiri in aan dalka ku soo galay sharci darro. Baasabboor aanan sidan, visa aan wakhtigeedii dhicinna aanan haysan. Sidaa darteed xabsiga ayay ii taxaabeen.

 

Nin isaguna sheegay in ay baddu soo tuftay ayaa jiray oo aan u maleynayo in uu sheegtay in uu u dhashay dalka Congo.

Senegal

 

Maxaabbiista aan aragnay waxaa ka mid ahaa nin u dhashay dalka Senegal, oo suxufi ah. Waxaan tegey ayuu yiri dalka Ethiopia si aan dagaalka wax uga qoro.  Waxaan u gudbay goobaha dagaalka.

Harar ayaan tegey ayuu yiri. Ka dibna waxaan damcay in aan u tallaabo dhinaca Soomaalida. Markii aan ciidanka Soomaalida u tegey oo aan isu sheegeyna waxaa la igu eedeeyay ayuu yiri in aan ahay basaas. Xabsiga ayaa la ii taxaabay. Marka hore Hargeysa ayaa la igu xiray ayuu yiri. Ka dibna Xabsiga Muqdisho ayaa la ii soo wareejiyay. Waxaan hadda xiran ahay 10 sano.

 

Dal Laawe 

 

Waxaa jiray nin gaaban oo xoog badan oo inkasta oo aanuu wax waraaqo ah haysan, haddana sheegtay in uu u dhashay dalka Indonesia. Waxaa lala xiriiriyay safaarad ay leedahay Indonesia. Safaaraddii markii ay wareysi ka qaadday ka dib waxay sheegtay in aanuu ninkani ahayn nin dalka Indoneisa u dhashay. Sidaa darteed safaaraddu waxay sheegtay in aanay dalkeeda u oggoleyn.

 

Ka dib markii sidaa lagu wargeliyay wuxuu yiri waxaan u dhashay Singapore. Waxaa lala xiriiriyay safaarad Singapore. Iyaguna wareysi ka dib waa ay iska diideen waxayna yiraahdeen ninkaasi uma dhalan dalkeenna.

Yemen in uu mar sheegtay waan filayaa iyaduna ay diidday.

 

Ka dib wuxuu noqday nin dal laawe ah.

 

Beddel Xabsi iyo Baxsad

 

Waxay Dowladda Soomaaliya oggolaatay in nimankaas ay xabsiga ka sii deyso haddii dalka laga masaafurinayo oo dalalkooda lagu celinayo iyada oo aan Dowladda wax kharash ahi uga bixin.

 

Si haddaba taas loo suurta geliyo waa in loo helaa dokumenti ay ku dhoofaan, buug caafimaad iyo visa maaddaama qaarkood ay sii marayeen dalal kale oo aan kooda ahayn si dayaarad dalkooda tagta ay u helaan. Iyo weliba in dalka ay sheeganayaan in ay u dhasheen uu oggolaado in loo celiyo.

 

Waxaa loo baahday inta mid kasta marka dhoofkiisa la diyaarinayo xabsiga laga soo saaro dhowr jeer si loogu diyaariyo dokumentiga. Laakiin waxaa aad u adkaa dariiqa loo maro in xabsiga qof laga soo saaro iyo in lagu celiyo labadaba.

 

Sidaa darteed waxaa Ciidanka Asluubta iyo Arrimaha Guduhu ay aqbaleen in midka ay howshiisu soo dhowaataba loo wareejiyo Saldhig Booliis. Taasi waxay Laanqeyrta Cas u sahashay in ay ka soo saarto Saldhigga oo la geeyo marba Xafiiska looga baahan yahay. Aniga oo howshaas u xilsaarnaa marka ay maalintaas ii soo dhammaato waxaan Maxbuuska ku celin jiray Saldhigga.

 

Inta badan waxaa la igu dari jiray askari booliis ah laakiin waa ay dhacday in maalmaha qaar aan keligeey ama aniga wade aan soo qaadnay maxbuuska kuna celinnay xabsiga. Badiyaa waxay taasi dhici jirtay marka ay arrimihiisa dhowdhow yihiin oo uu arko in uu dhoofayo maalmo gudahood.

 

Raadiyaha hadda loo yaqaan Gacanka iyo mid baabuurka iigu rakiban ayaan sitay.

Maalin ayaan ku waa beriisannay war aynaan fileyn.

 

Nin aan ka soo saarnay Xabsiga oo loo wareejiyay Saldhig booliis ayaa baxsaday. Waa maxbuuskii u dhashay Morocco.

Baadi goob ayay galeen ciidanku. Taar ayay qabadsiiyeen Saldhig kasta oo booliis. Sawirkiisana wey u direen. Baaritaan sida uu ku baxsadayna waa la furay

Comments are closed