Xaalad Abaareed oo Ka Taagan Deegaanada Somaliland Iyo Madaxweynaha Siilaanyo Oo Ku Baaqay Salaad Roob-doon Ah
Hargaysa 01.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guud ahaan Dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay in Arbacada Toddobaadkan la iskugu soo baxo Salaad Roob-doon ah, maaddaama oo meelo badan oo Dalka ka mid ah ay ka jirto Abaar.
Sidaana waxa sheegtay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL oo Qoraal Ogeysiis ah Dadweynaha ugu soo dirtay Moobilladooda Gacanta.
Ogeysiiska Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Tukashada Salaadda Roob-doonta ah, ayaa u qornaa sidan, “Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL waxay ogeysiinaynaa dadweynaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland in Dalka Laga tukan doono haddii Rabbi idmo Salaad Roob-doon ah Maalinta Arbacada oo ay Bishu tahay 02/11/2016. Saacaddu markay tahay 8:30 Subaxnimo, taas oo uu amray Madaxweynaha JSL, haddaba waxa la farayaa Imaamyada Masaajiddada iyo Dadweynaha inay sidaas ula socdaan uguna diyaar-garoobaan Salaadda iyo Ducada.”
Madaxweynaha Somaliland waxa Xilligan Safar Shaqo ugu maqan yahay Dalka Itoobiya oo isaga iyo Wefti uu Hoggaaminayaa tageen Jimcihii Toddobaadkan.