Qabanqaabada Soo Dhaweynta Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Oo Si Weyn Looga Dareemayo Magaalada Borama
Boorama 01. November 2016 (SDN/QJ):- Waxa Magaalada Borama Ee Xarunta G.Awdal Si Weyn Loga Dareemayaa Dhaqdhaqaaqa Soo dhaweynta Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Iyada Oo qabanqabada Soo dhaweyntaasi ay wakhtigan tahay ta ugu hadal haynta badan Borama.
Wafti Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa la filayaa in maalinta khamiista ee soo socota si weyn loogu soo dhaweeyo magaalooyinka dila,Borama Iyo waliba Deegaanada Hoos Yimaada G.Awdal.
Warar Kale Oo Xogogaali waxa ay sheegayaan in waftiga Uu Hogaaminayo Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ay socdaal taariikhiya ay ku baxayaan deegaano badan oo ka mida Gobolka awdal sida quljeed,boon,baki,xariirad gerisa,lughaya iyo saylac socdaalkaasi oo qaadan doona mudo 7 maalmooda sida la filayo.
Ka Dib Markii Uu Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay jagadaasi ayaa waxa magaalada borama si weyn uga bilaamay dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka shirar balaadhan oo lagu tageerayo amb.Maxamed cali aw-cabdi oo wakhtigan samayn xoogan oo siyaasadeed ku yeeshay G.awdal Madaama Ay Cudud Balaadhan ay Ku Leeyihiin Beesha Uu Ka Soo Jeedo.
Horaanti Bishii January ee Sanadkan aan Ku Jirno Ee 2016 ayaa Soo Dhaweyn Balaadhan Oo aan Abid Ka Dhicin G.Awdal Loo Samayey Amb.Maxamed Cali Aw-Cabdi Oo Markaasi si weyn Uu soo bandhigay Cududa Tageero Ee Uu Ku Leeyahay G.Awdal.
Dhanka kale waxaa iyagna garab socota samaynta Boodh iyo istiikaro ay ku xardhan yihiin Musharax Amb-Maxamed Cali oo ay ku qoran yihiin odhaahyo ka turjumaya Soo Dhawayntiisa, waxaana la filayaa in maalmahan soo socdo lagu dhajiyo goobaha ugu waaweyn ee farasmagaalaha magaalada Boorama
Soo dhawantan la filayo ayaa noqon doonta soo dhawan ka duwanaan doonta soo dhawaynihii hore loogu samayn jiray siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolda Galbeedka noqotna mid soo jiidata indhaha umada Somaliland oo dhan maadaama lagu jiro u diyaar garawgii doorashooyinka somalilan dhawaana bilaabmi doonaan Ololihii Taagerayasha Dr maxmed Cali ayaa laga sugayaa inay wacdaro dhigi doonaan tusina doonaan xisbiga kula tartamaya Somaliland ee kulmiye oo uu iyadana ka sharaxan yahay musharax kasoo jeeda Galbeedka Somaliland C\Raxmana saylici Isla markaana ah Madaxweyne Ku Xigeenka haatan ee Somaliland.
Waxaana Si weyn Magaalada Borama,Dila Iyo Deegaanada Hoos Yimaada Lagaa Soo sheegaya in ay si weyn uu socoto qabanqaabada soo dhaweynta amb.Maxamed Cali Aw-cabdi Iyo Waftiga Uu Hogaaminayo.
Si Kastaba ahaate Soo dhaweynta Maalinta Khamiista Loo samaynayo Waftiga Uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani Amb.Maxamed Cali Aw-cabdi ayaa shacabka reer awdal si weyn ugu diyaar garoobayaan.