Xisbiga Dimuquraadiga ah ee Maraykanka oo Dhagar Siyaasadeed Ku Sifeeyay Baadhista FBI ku hayso Emailadii Hillary Clinton Xili la isu diyaarinayo Doorashada Madaxweyne
Washington 01. November 2016 (SDN/QJ):- Xisbiga Dimoqraadiga dalka Mareykanka ayaa ku tilmaamay go,aanka Hey’ada Mukhaabaraadka Gudaha Mareykanka ee FBI-da ay dib ugu baadhayso email-ada Hillary Clinton mid siyaasadeysan.
Hogaamiyaha Kooxda laga tirada badanyahay ee Golaha Sanetka Mareykanka Harry Reid ayaa sheegay in agaasimaha Hey’ada FBI-da James Comey jagada uu hayo u adeegsanayo inuu saameyn ku yeesho doorashooyinka taasoo buu yidhi jabineysa sharciga.
Harry Reid, ayaa ku eedeeyay agaasimaha FBI-da, James Comey, in uu ku xadgudbay sharci saraakiisha dowladda ka horjoogsanaya in ay qaadaan tallaabo saamayn ku yeeln karta doorashada.
Mr. Reid ayaa sidoo kale ku eedeeyey Comey inuu iska dhaga tirayo codsi loo diray oo ahaa inuu soo saaro xogta uu hayo ee ku saabsan arrinta Hillary Clinton. Senator Reid oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu rumeysanyahay in FBI-du ay heyso xog ku saabsan xidhiidhka ka dhaxeeya ololaha Donald Trump iyo Dalka Ruushka.
Agaasimaha FBI-da ayaa hadal uu soo saaray Jimcihii ku amray in la bilaabo baadhitaan cusub oo lagu sameynayo email-lo gaar ah oo ay Hilary Clinton ka dirtay e-mail-keeda gaarka ah inti ay heysay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Go,aankaas ayaa kusoo beegmaya 11 maalmood ka hor inta aysan dhicin doorashooyinka madaxtinimada Mareykanka oo ay u taaganyihiin Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga iyo Hilary Clinton oo u tartameysa xisbiga Dimoqraadiga.