Shirqoolkii Shirkadda Shidaalka ee Conoco iyo Wixii Kala Qabsaday iyaga iyo Siyaad Barre DAAWO
Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Dowladii kacaanka ee dalka Soomaaliya ka talin jirtay waxaa ay heshiisyo muuqda iyo kuwa qarsoodi ah la gashay shirkaddo soo saara shidaalka iyo gaas-ka, inkastoo heshiisyadaasi dhamaantood aysan fullin gabi ahaanba, midaasi oo caqabad ku noqotay burburkii dowladii dhexe ee dalka oo ay majaraha u siibeyn jab’hadihii dalka afarta dhinac kasoo galay.
Haddaba, aan soo koobno heshiisyo dhowr ahaa oo ay dowladii Kacaanka la gashay shirkaddo shisheeye, waloowba ha u badnaadeyn dhamaantood Maraykan.
Bishii March 1988-dii, Shirkadd ka shaqeysa howlaha shidaalka oo lagu magacaabo Chevron’s operations in Somalia (Chevron Oil) ayaa bilaawday howlo ay ku sahminayso ama ku baadhayso shidaal la sheegay in uu ku jiro waqooyiga dalka Soomaaliya, oo ah Dalka Somaliland.
Haddaba heshiiskaasi oo u muuqday mid qarsoodi ah ayaa waxay shirkaddu la xidhiidhay Jabhadii SNM [Somali National Movement] haddaba SNM-tii xiligaasi jirtay waxay is tuseen haddii shidaalaasi la helo in labadda dal ee Soomaaliya iyo Jabuutiba ay ku intifaaci doonaan, Laakiin waxaa sidaasi oo kale shaki la geliyay in dowladii xiligaasi jirtay ay xogtaasi wax weyn ka ogeyd,si walibaa ha ahaatee arrintaasi in la fuliyo waxaa caqabad ku noqotay burburkii dowladii Siyaad Barre, waxaana sidaasi ku burburay heshiiskaasi qarsoodiga ahaa.
Shirkadii Chevron waxay doonaysay in ay shidaalka ka sahmiso degmada Lughaya, oo ka tirsan gobalka Awdal waana magaalo xeebeed, haddii shirkaddu ku guuleysan waydana wuxuu yoolkoodii labaad ahaa Saylac, qorshuhu wuxuu ahaa meel 33-Mayl u jirta Galbeedka Saylac, waa meel 4 ilaa 5 mayl kaga aadan wadada Gaarisa.
Haddaba, xog dheeri ah oo la helay ayaa sheegaysa in shirkadda Chevron si hoose heshiis ay la galeyn Qabiilka Gadabuursi oo daga Saylac kuwaasi oo doonayay in shirkadda ay iyaga mas’uul kaga noqdaan howlaha amaanka, isla markaana ay sugi doonaan nabad gelaydda shaqalaaha shirkadda oo ka koobnaa Rag u dhashay Kanada,Maraykanka, Ingriiska iyo Filipiin.
11 March 1990kii, Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya u joogay xiligaas Frank Crigler ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku wargelisay in uusan dalka dib ugu soo laaban karin, isaga oo ay ku eedaysay dowladda Soomaaliya in uu dalka ka wado howlo amaanka lid ku ah guud ahaan, laakiin wada hadal dheer kadib safiirka oo loo sheegay in uu soo geli karo Soomaaliya, wuxuu tijaabiyay in cunaqabateentaasi laga qaaday iyo inkale, wuxuu safar ku tagay xaruntii shirkadda Cocono ee Laascaanood.
15 March 1990kii, Safiirkii Maraykanka u joogay Soomaaliya Crigler markii uu booqday xaruntii shirkadda Conoco, wuxuu inta badan kala hadlay arrimo ku saabsan amaanka dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa inta badan looga wada hadlay arrimaha ku saabsan deegaanadda Burco, Berbera iyo Laascaanood.
Haddaba, shirkadda waxay inta badan is tustay in waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) guud ahaan uu shidaal ceegaago, waxaana go’aan lagu gaadhay in lagu bixiyo lacag gaadhaysa 16 Milyan gaar ahaan in Shidaalkaasi si gaar ah looga baadho Laascaanood.
Shirkadda Conoco sanadihii sideetamaadkii waxay baadhitaan shidaal ka samaysay aagga magaalada Garoowe, meesha loo yaqaan Ceelka Conoco, halkaas oo xarun u ahayd.
Waxayna ka mid ahayd shirkado ay Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre u saxiixday saddex-meelood-oo-labo (2/3) oo dalka Soomaaliya si ay shidaal uga baadhaan – shirkadahaas waxaa ka mid ahaa: Conoco, Amoco, Chevron iyo Phillips (waa ka hor intii aysan midoobin Conoco-Phillips, oo bishii August 2002 noqday hal shirkad oo la magac baxday ConocoPhillips ).
Shirkadda Conoco rajo weyn ayey ka qabtey shidaalka Soomaaliya, waxaana taas daliil u ah: Xilligii hawlgalkii la magac baxay raja-Soo-Celinta (1992-1993), Xafiiskii Conoco ee Muqdisho in si ku meel-gaadh ah loogu adeegsadey Safaaradda Maraykanka si ay ugu soo degaan Ciidamada Badda kaddib markii dhismihii asalka ahaa (safaaradii Maraykaanka ee Muqdisho) la duqeeyey oo la bililiqaysatay.
Safiirkii Maraykanka ee Soomaaliya, Mr. Oakley iyo Jeneraalkii Ciidanka badda ee Maraykanka, Frank Libutti waxay warqad ammaan ah u qoreen Agaasimihii Guud ee Shirkadda Conoco, Raymond Marchand, ay uga mahad celinayaan adeegiisa.
Soomaaliya muddo dheer ayaa lagu sheegayey in shidaal ku jiro. Sannadkii 1991 ayey ahayd markii Bangiga Adduunka iyo Qaramada Midoobey ay baadhis la xidhiidha batroolka ku sameeyeen siddeed dal oo ku yaal dhanka Woqooyiga-bari ee Qaaradda Afrika.
Baadhitaankaas waxaa ka soo baxay in dalka labaad ee ay suurta-galka tahay in uu ku jiro batrool ganacsi geli-kara in uu yahay dalka Soomaaliya oo ku xiga dalka Suudaan.
20 May 1992kii, Wadahadal dheer kadib Waaxda Mushaar bixinta Safaarada Maraykanka ayaa wakiilatay nin siyaasi Maraykan ahaa oo lagu magacaabi jiray John Fox, waxaa siyaasigaasi loo qorsheeyay in ay qaado diyaarad ay leedahay Shirkadda Conoco ama diyaarad kale oo qaas ah, waxaana qorshaha ahaa in uu dago xaruntii Conoco ee Muqdisho oo xiligaasi amaankeeda aad loo adkeeyay si aan loo bilili-qaysan.
Hadsaba xaruntaasii kolkii dowladii dhexe ee Somalia ay burburtay waxaa gacanta ku qabtay Cismaan Xasan Cali “Caato”, waxaana Cismaan Caato laga dalbaday in uu shirkadda hantideeda dhowro isla markaana uu ku wareejiyo ciidamadda Maraykanka ee dalka soo galay, Laakiin Cismaan Caato oo ka dalbaday Maraykanka in ilaalada hantidaasi ay kaga baxday kharash badan ayaa la sheegay in la siiyay lacag, waxaa sidaasi oo kale safaarada maraykanka ay bixisay mid kamid ahaa Shaqaalaheedii oo Soomaali ahaa oo u geeriyooday Gaajadii ka dhacday Dalka waxayna bixiyeen laacag gaadhaysa $2,000 (Doollar).