Somaliya oo ka hadashay Gantaal lagu Tuuray Magaalada Barakaysan ee MAKKA
Muqdisho 30.October 2016 (SDN/QJ):- Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay gantaalkii habeenkii jimcaha ay Jabhada Xuutiyiinta Yemen ku rideen dhinaca magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarama.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ku qornaa Luqada Carabiga ayaa waxaa walaac lagaga muujiyay xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen.
“Waxaan cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah, waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada ka baxsan, fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxaan cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaarsan ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka.
Warasaxaafadeedka Dawlada Federaalka Somaliya waxaa kale oo lagu Sheegay“Daw;lada Soomaaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.”
Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa sheegay in gantaalkii ay ku rideen dhinaca garoonka diyaaradaha magaaladda Jeddah.