|

Dawladda Kenya oo Bandoo Ku soo Rogtay Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-Bari

Mandheera 28.October 2016 (SDN/QJ):- Dowladda Kenya, ayaa Bandoo habeenkii ah ku soo rogtay magaalada Mandheer ee xarunta gobolka Waqooyi-Bari ee dalkaas, Bandoodaas oo ka bilaabantay xalay , ka dib markii ay halkaas dhawaan ka dhaceen weerarro lagu laayay Dad Shacab ah oo ay Kooxda Al-Shabaab ka fulisay magaaladaas.
Wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, ayaa dadweynaha Mandeera ku wargelisay inaysan guryahooda ka soo bixin laga billaabo 6.30 maqribnimo ilaa iyo 6.30 aroornimo.

kenya-oo-bandoo-ku-soo-rogtay-degmada-mandheera-ee-g-waqooyi-bariDowladda ayaa sheegtay in bandowgaasi uu socon doono ilaa iyo dhammaadka bisha December. Dabley hubeysan ayaa Talaadadii weerartay huteel ku yaalla Mandheera waxaana ku dhimatay 12 qof.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkaaasi, balse mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ku gacan seyray sheegashadasi waxyna ku doodeen in laga yaabo inay weerarkaasi gaysteen “burcad deegaanka Mandheera ka soo jeeda”

Hal qof oo ka shaqeynayay huteelka oo lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa weerarkaasi oo uu gacan siiyay dableyda ayaa la xiray. Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.

Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaladaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor. Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaaday dalka Kenya tan iyo markii ay ciidammada Kenya u tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo.

Comments are closed