|

Qaramada Midoobay oo Warbixin kasoo saartay Dagaalka Kasocda Gaalkacyo

Nairobi 26.October 2016 (SDN/QJ):-Xafiiska iskuduwida arrimaha bini-aadanimo ee QM, ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan OCHA ayaa warbixinta uu ka sameeyey xaaladda dagaalka ee magaalada Gaalkacyo waxaa ay ku sheegeen in ay xaaladda dadka magaaladaasi kabara kacay ayliidato.

 

Hay’adda UNOCHA ayaa bayaan ka soo saartay maalinimadii shalay waxa ay ku sheegtay in dagaalka ka soconaya magaalada Gaalkacyo todobaadkii saddexaad ay ku dhinteen 18 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 60 qof oo kale.

 

Baro kaca GaalkacayoUNOCHA ayaa sheegay dadka kubara kacay dagaalada Gaalkacyo ee udhaxeeya Guntland iyo Galmudug in ay gaarayaan ilaa 75 kun oo dadkaasi ayey hay’addu sheegaysaa inay ku jiraan dad markoodii hore magaalada Gaalkacyo ku soo barakacay oo ku noolaa xerooyinka dadka gudaha ku barakacay.

 

Dadkan ayaa markii hore joogay daafaha magaalada iyo gudaheeda laakiin hadda meelo ka fogfog ay u qaxeen, waxaana laga yaabaa bay UNOCHA leedahay in tirada dadkaasi ay sii kordhi karto maadaama dagaalku uu weli sii socdo.

 

Ugu damayntii lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaldaasi, hasayeeshee waxaa la soo sheegayaa in dadka magaalada ay halkaasi isaga baxsanayaan.

Comments are closed