|

Prof. Buubaa oo Tir-Tirsiyey Xisbiga Kulmiye, Kana hadlay Guusha Xisbiga Waddani iyo Xujo adag oo uu Hor dhigay Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa, 26 October 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa ayaa Ku Tilmaamay Arrin Taariikhda Somaliland Ugub ku ah in Gudoomiye C.raxmaan Cirro oo haatan Noqday Murashax Xisbiga Waddani ee Jagada Madaxweynenimo inuu Xilkii Gudoomiye-nimo u dhiibo Mas’uuliyiin kale oo Xisbigiisa ka Tirsan.
Ismaaciil Buubbaa, waxa uu sheegay inay tahay wax Somaliland Siyaasaddeeda ku cusub, horumarna ah tallaabada uu Guddoomiyihii Waddani Cabdiraxmaan-Cirro markuu Musharraxa noqday ku banneeyey jagada Guddoomiyennimada Xisbigaas, waxaanu intaas ku daray inay taasi sidoo kale tahay caqabad hor-taalla Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo looga baahan yahay hadday ku dhac leeyihiin inay sidaas oo kale sameeyaan.

Waxa uu Prof: Buubaa oo ka hadlay Kulan Qado ah oo Beesha Koonfurta Hargaysa Iyo Sallaxley Ku Maamuuseen Gudoomiyaha Ku Meel Gaadhka ah ee Xisbiga Waddani C.qaadir X.Ismaaciil Jirde ayaa waxa uu ka hadlay oo Kale heerka horumarka Siyaasadda Somaliland, waxaanannu hadalkiisa idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed